Tuesday, October 14, 2014

“Shir aan joogay oo aan ogahay oo Madaxweynuhu ku yidhi arrintaa waan ka tanaasulay..Shirkaasi ma jirin, Goobtaa ma joogin, Odayguna ma odhan...”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay in Madaxweynuhu u tanaasulay iyo inay sas ka qaadeen Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa, 14 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay shalay ka hadlay Warar la baahiyey oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uga tanaasulay Musharraxnimada Madaxweyne-nimada KULMIYE oo uu Axmed-Siilaanyo hore u sheegay inuu u taagan yahay, isla markaana ay si weyn ugu kala fogaadeen Muuse Biixi iyo Siilaanyo oo khilaafkoodu gaadhay heer ay Golaha Guurtida iyo Odayaal Beeleed ka garnaqaan, inkasta oo markii dambe lagu guulaystay in la xalliyo oo uu Muuse u tanaasulo Madaxweynaha.
seelHase-yeeshee, badhtamaha toddobaadkii tegay, ayaa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo kulamo kala duwan la yeeshay Beelaha Habar-jeclo iyo Sacad Muuse, isla markaana uu kulamadaa ugu sheegay inuu ka tanaasulay Musharraxnimadii Madaxweyne-nimada ee KULMIYE ee uu marka labaad hore u sheegay inuu u taagan yahay inuu u tartamo kursiga uu hadda ku fadhiyo oo xilkiisa sharciga ahi ka dhammaanayo badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.
Balse Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Shalay Warbaahintu jiritaanka warkaas wax ka weydiisay, ayaa meesha ka saaray in Madaxweynuhu tanaasulay amaba ay wax shirarkaas la weriyey in Madaxweynuhu la yeeshay Siyaasiyiinta labada Beelood ee Muuse iyo Madaxweynuhu ka soo kala jeedaan.
“Shir aan joogay oo aan ogahay oo uu Madaxweynuhu ku yidhi arrintaa waan ka tanaasulay ama go’aankaas ka sheegay haba-yaraatee ma jiro, warkaasi mid jira maaha, meel aan joogo oo arrintaa lagu soo qaaday-na ma jirto, sideedabana arrintaasi ma jirto, warkaasi waa war aan jirin...Shirkaasi ma jirin, Goobtaa ma joogin, Odayguna ma odhan (waan ka tanaasulay musharraxnimada),” sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Mar uu Muuse Biixi ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey dib-u-dhac laga werwer-qabo inuu ku yimaaddo wakhtiga qabashada doorashada Madaxtinnimada dalka, waxa uu yidhi; “Horta, doorashada dib-u-dhaceeda iyo wakhtiga la qabanayo cid ayuu sharcigu siiyey, ciddaas ayaana ka hadli karta waana Guddiga doorashooyinka iyaga ayaana sharcigu siiyey inay cayimaan maalinta doorashada la qabanayo, hadday soo hor-marayso iyo hadday dib-u-dhacayso, Guddiga doorashooyinka ayaa awooddaas leh, annaguna ku fara-gelin mayno.”
“Laakiin, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu waxaannu caddaynaynaa wixii hawlo ahaa ee ku xidhnaa inaannu dhammaynay, hadday sharcigii tahay waannu dhammaynay, Guddigii doorashooyinka waa la sameeyey, Dhaqaalihiina waa la sameeyey. Markaa, xagga doorashada wax annaga nagaga laabani ma jiro, wakhtigana Guddiga doorashooyinka ayaa iska leh,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE.
Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira sas la sheegay in Xisbiga KULMIYE ka qaaday Xubnaha Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland loo magacaabay oo Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, waxa uu ku jawaabay, “Haba sheegin waxaannu sas ka qaadnay, Xubnaha Guddida doorashooyinka sharciga ayaa qaybiyey sida loo soo magacaabo, saddex Madaxweynaha ayaa soo magacaaba oo waa inta u badan, labana waxa soo magacaaba Golaha Guurtida, labana waxa keena Xisbiyada Mucaaridka ah waana siday ahaan jirtay, dad muddakar ah oo Rag iyo Dumar leh oo badankooda aan wada garanayo oo Masuuliyiin ah hawshaasna qaban kara weeyaan, waanan ku kalsoonnahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment