Ninkan oo xidhnaa dirays milateri ah, isla markaana ku Duubnaa wajiga maaskar madow ayaa ka mid ahaa dhowr dagaalyahano ka tirsan IS oo tooganayay maxaabiis laga soo qabtay Ciidamada Bashar Al-Asad.Madaxa FBI-da Mareykanka James Comey ayaa sheegay in muwaadiin badan oo Ameerikaan ah ay ka bar bar dagaalamayaan dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.
Waxaa uu dalbaday in lagu caawiyo sidii lagu heli lahaa macluumaad ama warbixin ku saabsan heybta ninkan oo la rumeysan yahay inuu ahaa Nin Mareykan ah.
Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la soo sheego dadka doonaya inay ku biiraan ISIS, ee ka safraya wadanka Mareykanka.
Sabtidii ayay aheyd markii ciidamada sirdoonka Mareykanka ay qabteen nin ka soo jeeda Chicago oo doonayay inuu u socdaalo Suuriya, si uu ugu biiro xoogaga ISIS.
Kumanaan dagaalyahano ajnabi ah oo ka kala tagay Caalamka daafihiisa ayaa ka bar bar dagaalamaya dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasoo gacanta ku haya magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan labadaas dal.
Isbaheysiga uu horkacayo Mareykanka ayaa duqeymo ka geysanaya labada dal, si ay u wiiqaan awooda ISIS.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment