In kasta oo aanu ka qayb-galin munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ardayda sannadkan dhammaysatay Kulliyadda Culuumta Dhaqaalaha ee Jaamacadda Hargeysa, safar dibadeed oo uu dalka kaga maqan yahay awgeed, waxa uu kaga dareen-celiyey abaalmarintan qoraal uu ku baahiyey bog uu ku leeyahay Internetka, waxaanu uga mahad-celiyey maamuuska ay ardayda u hibeeyeen.“Waan ka cudur daaranayaa in aan hawlo shaqo oo dalka dibediisa ah kaga soo maqnaa in aan farxadooda la qaybsado balse niyadda ayaan ka wada joognay,” sidaas ayuu Wasiir Xirsi ku sheegay qoraalka uu kaga hadlay abaalmarinta ardayda Jaamacadda Hargeysa u garatay.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu yidhi, “Waxay abaalmarintan iigu hibeeyeen in aan Marxaladii kala guurka noloshooda duco iyo dardaaran-ba wadaagnay. Aniga ayey farxad ii tahay in aan la dareen iyo farxad qaybsado boqolaal aqoonyahan oo dalkan berri wax weyn ka noqon doona Insha Allahu.”
Wasiirka Madaxtooyada, ayaa kulamo kala duwan iyo marti-qaad uu u fidiyey la yeeshay kumanaan arday oo labadii bilood ee u dambeeyey ka qalin-jabiyey Jaamacadaha Camuud ee magaalada Boorama iyo Jaamacadaha ALPHA, GOLLIS, ADMAS iyo UoH oo ardaydii ka qalin-jabisay uu dhammaantood munaasibado casho-sharaf ah ku kulmiyey.
“Waan uga Mahadcelinayaa Ardayda Jaamacadda Hargeysa Sida ay Milgahan iigu Maamuseen. Tani waxay albaab u furi doontaa in cid walba agtiina ka muuqato maalmaha farxadiina maadaama aad qiimayn doontaan cid walba oo agtiina abaal dhigatay,” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi wasiirka Madaxtooyadu.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Ogow shalay way dhamaatay, berina Alle ayaa og, waxaad keliya haystaa maanta ee maalin walba ku noolow Cibaado, Farxad, Rajo iyo hadaf,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyada, ayaa ka mid ah wefti wasiirro ah oo Madaxweynaha Somaliland ku wehelinaya socdaal ay ku joogaan dalka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qayb-galayaan Shirka Maalgeshiga Somaliland oo maanta ka furmaya magaalada London.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment