Wednesday, October 15, 2014

Yaa Guuleystay –W/Q Amaal Maxamed Maxamuud Kastam

Qul-acuudu bilaahi ,idaajaa nasru-laahi, al-raxmaan iyo qaaf iyo alif-laam ra sirteediyo -waxaan maanta alhaakum ilhaamka uga bilaabay, Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen Gabaygii Ergo 30/April/1992-kii uu tiriyey, Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Dhulka Soomaalida aadka looga yaqaanay Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gariye).
Inta badan dadka Soomaalida ah ma xasuustaan wixii la soo dhaafay ama laga soo gudbay, haddii aan la qorin oo aan la diiwaangelin, Dabadeedna aan diiwaanka laga baadhin Xaalad kasta oo timaadda Wakhtiga lagu jiro. Mar haddii aanu jirin diiwaan dib loo raaco, waxa yaraata fahamka xaaladaha iyo hab-dhaqanada cusub ee murugsan ee had iyo jeer inala soo gudboonaada.
Dulucda qalinka waxa aan ku koobi doonaa geeddi-socodka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo hab-dhaqanada guracan ee ku cusub ee ka dhex-jirta jiilalkan dambe oo isugu jira rag iyo hablaba, saamaynta ay ku leedahay mustaqbalka. Waxa aan wax yar ka iftiimin doonnaa oo keliya arrimaha inagu cusub ee jiilka maantu isticmaalan.
Waxa dhalinyarada Soomaalida ah sannadahan dambe ku cusub wiilal iyo hablo gashaanti ah, oo suuqa galay, kuwaas oo baadigoobaaya inay helaan qof wanaagsan oo nadiifa ah iyo hablo iyagu suuqa ku jira oo hadana ku odhanaya waxaan rabnaa Nin sidana iyo sidan ah…Waxay mararka qaarkood ku odhanayaan Sheekh-yar, hadaan heli lahaa wan degi lahaa IWM.
1.Waxaan rabaa inaan nolosha la wadaago qof diin leh??
Adigu diin ma leedahay? 3.Waxaan rabaa inaan nolosha la wadaago qof lacag tabcatay?
Adigu maxaad tabcatay? Waxaan rabaa inaan nolosha la wadaago qof dabecad leh? Adigu kawaran dabeecadada? Waxaan rabaa inaan helo aqoonyahan ama aqooonyahanad? 8-Adigu ma tahay?
Hase yeeshee goobaha ay ku kulmaan Dhalinyarada isugu jira wiilasha iyo hablaha guurdoonka ah ee Soomaaliyeed markay araahda iyo waxyaabaha ay jecel yihiin, ayaa tilmaama waxyaabaha ay jecel yihiin ama ku hamiyaan inay helaan qof guulaystay oo leh sifooyinka aynu kor ku soo xusnay, inta badan lama fahmo sababta uu qofkastaa u rabo qof guulaystay, haddii la weydiiyo waxyaabaha ku kalifay inay raadiyaan qof leh sifooyin kama bixiyaan sharaxaad macquul ah ama hadal lagu qanci-karo, balse Wiil kasta waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaysa gabadh fiican diin dhaqan dabeecad iyo hanti leh. Runtii waa hab-dhaqan ku xun wiilasha dhalinyarada ah ee Soomaalida, kuna cusub shacabka, taasoo la tilmaamay inAabayaashii hore ama Aawoowayaasheen ku maahmaahi jireen “Haddii gabadhu Kildhi kuula timaado waa lagu kala jabiyaa.” Manay jirin in Wiilka guurdoonka ah yidhaahdo Inantu maxay haysataa, taasoo ah dhaqan-xun oo guracan, khatarna ku ah dalka iyo bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan dunida.
Qaar badan oo ka mid ah bulshada Soomaalida oo aan wax ka weydiiyey ayaa afkaaraha inta badan waxay aamisan yihiin inta qof ee guulaysatay iyo inta guul daraysatay inay kala badan yihiiin.
Qof walba Illahay ayaa qoray waxa uu helayo ama la kulmaayo, laakiin qofku intuu raadin lahaa qof guulaystay oo hanti leh waxa fiican inuu isagu Illaahay baryo oo Iimaan yeesho. “Hees ayaa ahayd “Haadka Samada duula iyo diinkuba calaf u siman.” Weedhaasi waxay xambaarsan tahay Murti qaraweyn oo qalin lagu soo koobi Karin macluumaadka ku duugan.
Inkastoo ay haboon tahay inuu qof walba ku dedaalo sidii isagu uu guul uga gaadhi lahaa orodka loogu jiro nolosha, kaasoo ay diinteena Islaamku ay na farayso inuu qof walba wixii Illaah u qoray aanu waayeen, balse loo baahan yahay inuu la yimaado qalbi daacad ah, kana fogaado waxyaabaha dhalateedka ah ee beenta ah oo ku badan dhalinyarada Wiilal iyo Gabdhaba ee Soomaalida.
Qof walba wuu jecel yahay inuu guulaysto, laakiin guushu kuma timaado iska fadhi iyo in afka oo kaliya laga sheegto, isla markaana dadka qaar ka mid ah markay arrimahaas ka hadlayaan waxay ku doodaan inay sabab u tahay habka iyo qorshaha guusha ku raadiyaan dhalinyarada Soomaalida ah.
W/Q:- Amaal Maxamed Maxamuud Kastam.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment