Wararka ayaa intaas ku daraya in tiro kale oo Boqol qof ku dhawi ay xanuunkan la liitaan, kuwaas oo lagula tacaalayo cisbitaallada Magaalada Ku Yaalla.Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadkan isku mar uu soo ritay xanuun loo maleynayo inuu ka dhashay biyaha ay cabeen, waxaana wararka qaar ay sheegayana in biyaha ay cabeen ay u muuqdaan kuwo sumeysnaa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkan ay u dheer tahay xanuunka shubanka oo uu dhamaan dadku soo ritay, gaar ahaan dadkii cabay biyaha.
Dadka uu soo ritay xanuunkan ayaa la dhigay Isbitaalada, waxaana qaarkood la sheegay inay yihiin kuwo aad u fuuq baxay, maadaama ay saacado ay shubmayeen.
Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay inuu baadhitaan ku hayo waxyaabaha ay dadka cabeen iyo xaqiijinta in biyaha xaafadaas dadku isticmaalaan inuu sumeysan yahay.
Saaka ayay aheyd markii ay dadka ku soo tooseen dad badan oo la ildarnaa xanuun ku bilowday caloosha, kadibna isu bedelay shuban.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment