Monday, December 1, 2014

Boko Xaram Oo Weerarro Cusub Ku Qaadday Waqooyiga Dalka Nigeria

Lagos:Dec,01,2014(SDN/QJ)-Dhawaaqa rasaasta culculus ayaa laga maqlay deegaano ku Yaalla Gobolka Yobo ee Dalka Nigeria, gaar ahaan Magaalada Damturu.

bokoeWarar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Boka Xaraam ay weerar ku qaadeen xarumo dawladu leedahay oo ku yaala magaalada Damaturu.

Xarumaha la weeraray waxaa ka mid ah saldhiga booliska iyo xarunta degmada iyo xarumo kale.

Sargaal dawlada u hadlay oo la yidhaahdo Cumar Sada ayaa sheegay in magaaladu gashay xaalad dagaal oo ay hakadeen gaadiidka dadweynaha iyo ganacsigii suuqyada.

Lama oga illaa hadda khasaaraha nafeed ka dhashay weerarkaas waxaana uu weerarkani yimid saacado kadib markii sidaas oo kale kooxda Boka Xaraam ay weerareen magaalo ku taala waqooyiga dalkaasi.

Boko Xaram ayaa dagaal xooggan kula jirta dawladda Dalka Nigeria, waxana ay si xooggan udiiddan yihiin Waxbarashada Reer Galbeedka.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment