Thursday, December 11, 2014

Dhalliyaradu waa Dhuuxa iyo Dhismaha Qaranka, Waxaanay Mudan yihiin Maamuus iyo Milgo.

“Bandhigyada Noocan oo Kale ah ee Shacabka Iyo Masuuliyiintii Xilka U Haysay Isku Soo Hor Fadhiistaan Waxay Suuro Galisaa In Fikir Caafimaad Qaba La Kala Helo Sidoo Kalena Wax Badan La Isla Saxo”

“ Xogtu Waa Xalka Badhkeed, Shirkanna Waxaan Rajaynayaa In ay Kasoo Baxaan Qodobo Dan U ah Da’ Yarta
Hargeysa (Himilo) Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan oo shalay ka qaybgalay shirka dhalanyarada Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu kaga waramayo qiimaha dhalinyarada iyo shirweynahaniba waxa uu ku baahiyey barta uu internetka uu ku leeyahay ee la yidhaa Guusha.com waxa uu u dhignaa sidan:-
Waxay ahayd saaka kadib markii Masuuliyiin uu hogaaminayo Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo aan ku wehelinayno xubno ka tirsan golaha Wasiiradu aanu ka qaybgalney shir loogu magac daray “Shirka Dhallinyarada Somaliland” oo markii uugu horaysay dalka ka qabsoomay.

shirka dhalinyarada somalilandShirkan oo ay soo agaasimeen dallada dhalinyarada ee SONYO ayaa Ujeedadiisu ahayd sidii looga arrinsan lahaa dhibaatooyinka ku gaddaaman da’ yarta isla markaana xal waara looga gaadhi lahaa.

Furitaankii kulankan ayaa Kumanaan dhalinyaro ah soo buux dhaafiyeen goobtii aayahooda lagaga hadlayey kuwaas oo dareemayey in ay maanta fursad weyn u tahay isla markaana rajaynayey in xal waara laga gaadho.

Xukuumada tallada maanta haysa marwalba waxa ka go’an inay qalbi dabacsan iyo dhago nugul ku dhagaysato haldoorka dhallinyarada ee u heelan horumarinta da’ yarta.

Dhalliyaradu waa Dhuuxa iyo Dhismaha Qaranka, Waxaanay Mudan yihiin Maamuus iyo Milgo in dawladu taas dareensan tahayna waxa muujinaysa sida shalay Madaxweynuhu uu ugala soo qaybgelay furitaankii dhismihii u dhamaaday maanta-na Madaxweyne ku xigeenku u dhagaysanayo shirka ay kaga arrinsanayaan mustaqbalkooda

Ujeedada kasoo qaybgalka Masuuliyiintan ayaa ahayd in ay farxad iyo dareen lasoo qaybsadaan , la fadhiistaan , dhagaystaan halka dhallinyaradu wax ka eegayaan iyo siday wax u arkayaan sidoo kalena xalka badh uga noqdaan.

Maaha oo kaliya in la dhagaysanayey qudbadaaha Masuulyiinta balse sidoo kale waxa u furnayd una furnaan doonta inta shirku socdo in qofkii su’aal qaba-na uu weydiiyo iyaguna uga jawaab celiyaan.

Waxa kale oo shirkan u furan in qofkii cilmi baadhis ama bandhig cilmiyeed haya uu ku soo bandhigo kulankan si xukuumada iyo cid walba uga faa’iidaystaan kolba siday u kala muhiimsan yihiin iyadoo la eegayo duruufahana laga qabto wixii suurogal ka noqda.
Dallada dhalinyarada ee SONYO waxaan markale ku bogaadinaya in aanay gacmaha laaban iyagoo is moodsiinaya in aanay suurogal ahayn in ay dhisme iyo dhul heli karaan balse ay bilaabeen albaab walbana garaaceen sidii ay u heli lahayeen ugana dhabayn lahaayeen nasiib wanaagna ay la kulmeen Xukuumad u dhago nugul dhallinyarada aanad maanta arkaysaan in wixii shalay riyo ahaa uu maanta dhab yahay!
sidoo kale in aanay noqon kuwo is moodsiiya in aanay cidna tallada dhalinyarada dhagaysanayn oo aanay cidlo cuqdad ka qaadin balse ay shirkan oo kale soo agaasimeen aanad arkaysaan sida xukuumad iyo shacab-ba loo soo ajiibay baaqii ay direen

Bandhigyada noocan oo kale ah ee shacab iyo masuuliyiintii xilka u haysay isa soo hor fadhiistaan waxay suuro galisaa in fikir caafimaad qaba la kala helo sidoo kalena wax baddan la isla saxo.
Waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago toban “10” qodob oo xukuumadu dhalinyarada la wadaagtay si aad u dareentaan qiimaha dhallinyaradu ka leedahay Xukuumada agteeda iyo guud ahaanba qaranka Somaliland

1- Hirgalinta Siyaasadii ay soo gudbiyeen ururada kala duwan ee dhalinyarada dalka kuwaas oo soo mariyey wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka “Youth Policy”
{ Siyaasadaasi waxay aasaas u ahayd horumarka iyo mustaqbalka da’ yarta dalka}
2- Furitaanka dabarkii ka qaybgalka siyaasada ee Dhallinyarada oo maanta keentay in degmooyinka ugu muhiimsan ee dalka ay Guddoomiyeyaal degmo ka yihiin dhallinyaro.
3- Shaqaalaysiinta in ka baddan shan kun “ 5000” oo shaqaale oo maanta ka mid ah shaqaalaha qaranka
4- Kor u qaadida haybada shaqaalaha dawlada haday mushahaar tahay iyo haday aqoon tahayba {Taasi oo keentay in maanta la xiiseeyo in loo shaqo tago dawlada oo shalay qiimo lahayn}
5- Bixinta dhulka laga hirgaliyey dhismaha dhallinyarada iyo sidoo kale ka qayb-qaadasha dhismaha oo Madaxweynuhu bixiyey boqolkii kun ee Doolar ee ugu horeeyey “$100,000” isla markaana marwalba oo ay caawin u baahdaan dhanka lacagta ah lala barbar taagnaa ilaa uu dhamaanayey.
{Dhamaan cid walba oo gacan ka gaysatay hirgelinta dhismahan waxa uga gacan badnayd Dawlada”
6- Hirgelinta sanduuqa horumarinta dhallinyarada kaasi oo shaqo loogu abuuro cid walba oo la timaada fikir ganacsi oo loo arko mid muhiim ah halkaas oo Madaxweynuhu ku shubay boqolkii kun ee doolar ee ugu horeeyey “$100,000”,
{ Abuurida sanduuqan iyo in xukuumadu ku shubtay lacagtii ugu horaysay waxa Illaahay mahadii ah in ay keentay in ay u tartamaan cid walba oo dhallinyarada caawinaysa aanay keentay in ay maanta ku jirto lacag ku siman hal Milyan oo Doolar “$1,000,000,” oo loogu daray Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF “Ninka Jeebkiisa kaa Casuuma nin dhe, Ninka Jeeb nin kale kaa Casuumana Nimanyaal dhe!)
7- Waxbarashada hoose oo lacag la’aan laga dhigay, taasi oo wax baddan ka tartay korodhka dadka aroortii u toosa waxbarashada aanay fure u noqon doonto in la yareeyo tirada dhallinyarada nolosha ka dhaca, mustaqbalkana la helo dhallinyaro tiro baddan oo aqoonyahan ah
8- Bixinta Darajada Ciidamadu sidoo kale waxay ahayd fursad u soo biirtay dhallinyarada dalka taasi oo ku dhiirigalisay in ay ka mid noqdaan saraakiisha dalka amaankiisa ka shaqeeya oo aan tusaale u soo qaadan karo Kabtan NIMCAAN oo ah wiil dhallinyaro ah isla markaana ka mida kuwa ugu darajada sareeya ciidanka qaranka.
9- Ka qaybgalka kulamada dhallinyarada, dhiirigelinta iyo in lala qaybsado farxad dhalinyaradu waa mid ka mida astaamaha Masuuliyiinta xukuumada oo uu hogaanimayo Madaxweynaha JSL halkaas oo aan ka xusi karo in markii ugu horaysay ee shir SONYO Madaxweyne ka soo qaybgalay
10- Hirgelinta Carwo shaqo, halkaas oo lagu soo marti qaaday Shirkadaha gaarka loo leeyahay laguna soo bandhigay fursadaha shaqo ee dhallinyarada u banaan taasi oo fure u noqotay in la sameeyo xarun shaqo “Job Center” si la iskula helo ka shaqada haya iyo ka shaqada u baahan, waxa xusid mudan in isla goobtii lagaga dhawaaqay in ka badan laba boqol “200” oo shaqo oo banaan oo ay ka faa’iidaysteen 200 oo shaqo raadiye.

Hadaad u fiirsato dhamaan qodobada sare waxaad ka dhex arki doontaa in xukuumadu u dhiirigelisay dhallinyarada dhan aqooneed, mid dhaqaale, shaqo abuur, niyad dhis isla markaana u qorshaysay qorshe fog oo dhallinyaradu ku noolaato.
Taasi lama macno aha waa loo dhameeyey dhallinyarada balse waan dareemayaa in ay weli jirto qabyo baddan oo u baahan in aynu caqliga iyo cilmigaba isku darsano si aynu u guulaysano,

Sidoo kale aan xuso 10 qodob oo ka mida waxqabadka muuqda ee qarankeena laga qabtay maxaa yeelay guusha dhallinyaradu waxay ku jirta guusha qaranka “Waxa Saca u dan ah ayaa Wayshana u dan ah”
1- Badelka lacagtii hore ee Soomaliya oo weli laga isticmaali jirtay meelo ay ka mid yihiin Burco, Ceerigaabo iyo Laasacanood , taasi waxay dhamaystirtay qaranimada dalkeena Somaliland iyo dhismihiisaba
2- Bixinta darajooyinka ciidamada qaranka oo ay ku baxday in ka baddan toban milyan oo doolar “$10,000,000” {waxaa xusid mudan in haybad iyo mushahaarba darajadu u kordhisay ciidamada qaranka}
3- kor u qaadida mushahaarada shaqaalaha qaranka, taasi oo qiimo u yeeshay shaqooyinka dawladnimada
4- Idaacad iyo TV dalka wada gaadha, waa markii ugu horaysay ee dalkeena Idaacad wada gaadha la keeno taasi oo wax baddan ka tartay xidhiidhka dawladu la leedahay shacabkeeda sidoo kalena TV-ga Somaliland laga daawado caalamka
5- Hirgelinta Idaacad u gaar ah Qur’aanka Kariimka ah, taasi oo inagu dartay dalalka tirada yar ee samaystay Idaacad u gaar ah Hadalka Illaahay ee Qur’aanka
6- Hirgelinta dhismayaal u qalma dawladnimada, taasi oo qarankeena u soo kordhisay qurux iyo qiimo baddan “Hugaagu wuu kula baryo tagaa” , waa farriin aynu u dirayno beesha caalamka oo ka turjumaysa dhamaystirka qaranimadeena.
7- Qurxinta iyo casriyeynta Madaarada iyo Dekadaha dalka, dhismaha iyo casriyeynta Madaarada dalku wax baddan ka tartay muuqaalka laga qaato dawladnimadeena aragtida koowaad maadaama ay yihiin marinka laga soo galo dal walba sidoo kale waxa dadka u abuurmay himilo wax qabsi oo aad dareemaysaan in Lughaya ilaa Laasqoray bulsho walba ku fikirayso siday Deked u dhisan lahayd iyagoo ku xisaabtamaya dawladooda.
8- Dhiirigelinta Mashuurica horumarinta dawladaha hoose ee GPLG oo wax baddan ka taray maamul daadajinta dawladaha hoose ee degmooyinka
9- Abuurida weel wax la inoogu soo hagaajiyo si aynu caalamka uga codsano in ay inagu caawiyaan kolba baahida aan u gudbino ee aanay iyagu noo doorin, Weelkaas oo la yidhaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF
10- Dajinta qorshaha Somaliland , halkaas oo laga dheehan karo jihada ay Somaliland u soconayso sanadaha soo socda “Somaliland National Plan”
Waxaan u xusayaa qodobadan si aan xog guud uga siiyo dhallinyarada Somliland in ay ku baraarugaan guulaha qarankeenu gaadhay isla markaana u ogaadaan kaalinta xukuumadu ugu jirto “Xog la helaa Tallo la helaa”

Ugu dambayn waxaan dhalinyarada kula dardaarmayaa in ay maskaxdooda iyo fikirkooda-ba xor u noqdaan oo ay kala gartaan cida wanaag iyo nasteex u wada iyo cida hagardaamo ugu gacan haadinaysa sidoo kale waxaan ku boorinayaa in ay ka faa’iidaystaan fursadaha nolosha oo aanay Mustqabalkooda ku lumin wax aanay dan adduun iyo aakhiro midna ugu jirin.

Waxaan sidoo kale idin xasuusinayaa in aad adkaysaan xidhiidhka aad Illaahay la leedihiin taasi oo idin dhaxal siin doonta guul adduunyo iyo darajo Aakhiro

Ka fagow QABYAALADA oo ah mid dib u dhac ku keenta qofka bini’aadamka ah iyo Qarankaba sidoo kalena uu Nabigeenu S.C,W uu ku tilmaamay mid uraysa

Ugu dambayn, waxaan cod dheer idinkala dardaarmayaa isticmaalka balwadaha uu ka mid yahay QAADKA oo ah aafo ragaadisa nolosha qofka rajo ka leh mustaqbalka

Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment