Thursday, December 4, 2014

Guddoomiyaha Kulmiye oo sharraxay Qodobbo ka soo baxay Shir-sannadeed uu kaga Qayb-galay Waddanka Marooko

Hargeysa, 04 Dec, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada shir-sannadeedka urur ay ku midaysan yihiin Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee ka dhisan 24 waddan oo Qaaradda Afrika ka tirsan oo Xisbiga Kulmiye u metalayey Somaliland, kaas oo ku qabsoomay magaalada Marrakesh ee dalka Marooko.
MuustaeShirka Ururka Xisbiyada dimuqraadiga ah ee Qaaradda Afrika oo lagu magacaabo African Liberal Network oo Xisbiga Kulmiye xubin ka yahay, ayaa intii u dhaxaysay 27-kii ilaa 29-kii bishii hore ku qabsoomay magaalada Marrakesh ee dalka Marooko, waxaana ka qayb-galay 35 Xisbi oo ka socday 24 waddan.
Guddoomiyaha Kulmiye oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay qodobbo taabanaya dhaqaalaha iyo ganacsiga qaaradda Afrika lagaga hadlay shirkaa oo uu sheegay inay goob-joog ka ahaayeen hay’ado ka socday Waddamo ka tirsan Qaaradda Yurub, go’amada laga soo saarayna ay ku jiraan sidii laysugu furi lahaa Ganacsiga Qaaradda.
Guddoomiye Muuse Biixi oo sharraxayey ujeeddada loo sameeyey ururka iyo waxyaabaha lagaga hadlo shir-sannadeedka ay isugu yimaaddaan Xisbiga ku midoobay, waxa uu yidhi, “Shirkaas waxa isugu yimaadda urur ay leeyahay xisbiyada dimuqraadiga ah ee Afrika oo la aasaasay 2003-dii. Waxa ka soo qayb-galay sannadkan hay’ado badan oo ay ka mid yihiin baarlamaanka Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Denmark. Waxa kale oo ka soo qayb-galay ergo ka socotay baanka adduunka iyo baanka horumarinta Afrika.
Xisbiyada oo ah kuwa ay dawladuhu ka dhex-dhashaan, waxa la ogaaday haddaan xisbiyada xoog la saarin oo aan marka hore nidaamka dawlad-wanaagga laga soo abuurin, inaanay dawlad hagaagsani jirayn. Shirkaas marka laysugu yimaaddo waxa laysu keenaa aragtiyo badan oo qorsheyaal baa laga soo saaraa, qorsheyaashaasina laba ayay u qaybsamaan; mid waxa laga rabaa dawladihii ay xisbiyadu ka yimaaddeen inay fuliyaan, midna caalamka ayaa ka masuul ah oo waa kuwo u baahan dhibaatooyinka Afrika marka la eego sida loo xalinayo.”
“Sannadkan waxa xoogga la saaray ganacsiga Afrika. Waxa la ogaaday caqabado badan oo hortaagan ganacsiga Afrika oo ay ka mid yihiin kastamyada iyo meelaha cashuuraha lagu qaado, waddooyinka iyo wasaaradaha qaabilsan ganacsiga iyo wax-isdhaafsiga Afrika oo dhammaantood ku xidhanaa Yurub, immikana Shiinaha u guuray, ay yartahayna inay Afrika wax kala iibsato ama ay is-dhexgasho. Waxa kale oo laga hadlayey shaqo-la’aanta baahsan ee Afrika saaran iyo Afrika oo loo arko mustaqbalka soo socda loo arko meesha shaqada ugu badani ka abuurmi doonto,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi oo shalay warbaahinta kula hadlayey madaarka magaalada Hargeysa oo lagu soo dhaweeyey.
Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey natiijada ka soo baxday shirka, waxa uuu yidhi, “Annagu (Kulmiye) xubin baanu ka nahay (Ururka) labadii sanno ee u dambeeyey, intii hore goob-jooge ayaanu ka ahaan jirnay. Waxaanu geynaa oo kaga doodnaa halkaa laba qodob; mid waxaanu la wadaagnaa Afrika oo waa dhaqaalaheeda, dawlad-wanaaggeeda, sida khilaafaadka loo dambi. Midina waxa weeyaan Somaliland oon la ictiraafsanayn oo waxaanu had iyo jeeraal kala hadalna oo qoraallo ka bixinnaa, Soomaaliya la ictiraafsan yahay ma jirto oo mid dhisan maaha oo xisbiyo ka hirgashan yihiin baarlamaankooda, Somaliland-na baarlamaankeedu wuxuu ka kooban yahay saddex xisbi, waana meesha kaliya Geeska Afrika ee Saddex madaxweyne isku beddeshay si nabad ah.”
“Sannadkan waxaanu kala nimi laba qodob oo ah in laysku furayo Afrika ganacsigeeda iyo in Xisbiyada ururkani waxa ay soo saaraan ay u gudbiyaan Xoghaynta AU-da (Ururka Midowga Afrika) si halkaa uu uga soo baxo maamul-wanaagga, Aqoonta iyo Ganacsiga la doonayo ee Afrika,”Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye, Md Muuse Biixi Cabdi.
Ururka ay ku midaysan yihiin Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee Afrika (Liberal Democrats) oo xaruntiisu tahay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxa xubin ka ah Xisbiyada 35 Xisbi oo ka dhisan 24 waddan oo ku yaala Qaaradda Afrika, kuwaas oo kala ah, ADF-RDA oo ka dhisan Burkina Faso, ADR – Burundi, ANC – Comoros, ARC, UMR, UREC, ANADER iyo PNR oo afartooduba ka dhisan yihiin dalka Congo, BMD – Botswana, CUF – Tanzania, DA - South Africa, EDP – Ethiopia, FDD – Malawi, KULMIYE – Somaliland, LDP iyo TFP – Sudan, LDT – Uganda, MFM – Madagascar, MP iyo UC – Morocco, ODM – Kenya, PCR – Mali, PDD – Mozambique, PDS iyo PLC/DJ – Sénégal, PMDC - Sierra Leone, PULS, UFR iyo UFDG – Guinea, RDR - Côte d'Ivoire, SNP – Seychelles, SSLYF - South Sudan iyo UDF oo ka dhisan dalka Malawi.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment