Saturday, December 13, 2014

Guddoomiyaha WADDANI oo Sheegay inay arrimo doorashooyinka Somaliland khuseeya kala hadleen Ingiriiska

Hargeysa, 13 Dec, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay Masuuliyiin kala duwan kulammo gaar gaar ah kula yeesheen Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, isla markaana ay qaarkood ka wadahadleen gacan-siinta iyo hirgelinta doorashooyinka Somaliland ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2015 badhtamihiisa la filayo inay qabsoomaan.
GSAWIRADAuddoomiye Cirro oo uu weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa Jimcihii shalay soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay ka soo laabteen dalka Itoobiya oo ay maalmihii ugu dambeeyey ku maqnaayeen, isla maraana kaga qaybgaleen Xuska Maalinta Qoomiyadaha waddanka Federaalka Itoobiya oo sannad kasta ay dadweynaha reer Itoobiya u dabbaal-degaan, taasoo uu Baarlamaanka dalkaasi si rasmi ah ugu marti-qaadeen.
Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabayey waxyaabaha ay ka wadahadleen Masuuliyiinta kala duwan ee ay kula kulmeen Addis Ababa waxa uu yidhi; “Masuuliyiin aannu kulammo kala duwan la yeelannay way jiraan intii Xafladdu socotay iyo intii aannu Itoobiya joognay-ba. Sii-hayaha ama Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa oo runtii si weyn ula shaqeeyey Somaliland waa la beddley oo Safarkiisii ugu dambeeyey wuxu ku yimi Hargeysa Annagu Itoobiya ayaannu kula kulannay, Madaxweynahana Khamiistii ayuu la kulmay, waddankiisii buu ku noqonayaa, waxa loo dallacsiiyey Safiir, waan ku faraxsannahay in Safiir loo dallacsiiyey.”
“Laakiin, si wanaagsan buu Somaliland ula shaqaynayey. Markaa, waxaan kala hadalnay cilaaqaadka labada waddan, xaaladda guud ee Somaliland iyo waxyaabaha xidhiidha labada dal khuseeya, doorashooyinku ka mid bay ahaayeen waxyaabaha aannu kala hadalnay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiyaha oo jawaabtaas ka bixiyey su’aal laga weydiiyey waxay ka wadahadleen Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya oo ay kulan gaar ah ku yeesheen Addis Ababa iyo sidoo ale Shir-guddoonka Baarlamaanka Itoobiya oo ay iyagana kulmeen. Waxaanu Sheegay inay Shir-guddoonka Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ka wadahadleen joogtaynta iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada Baarlamaan iyo guud ahaan labada dal, xidhiidhka kala duwan ee u dhexeeyana loo sii xoojin lahaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment