Hase-yeeshee, Ciidammo Boolis ah oo ay Xukuumaddu soo dhoobtay Isgeyska Cusbitaalka guud ee Jidka Wadnaha ee dhex-mara Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka, ayaa isku hor-taagay halkaas, iyagoo diiday inay ka gudbaan Isgeyskaa Gaadiidka Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta UCID saarnaayeen, iyagoo qaar Askarta ka tirsani isku dayey inay faro-saaraan Jamaal Cali Xuseen, haddana wax rabshad ah oo kale halkaas kama dhicin marka laga reebo dhawr qof oo taageerayaasha ka tirsanaa oo ay Masuuliyiinta Xisbigu sheegeen in halkaas Boolisku ka qabtay, isla markaana la xidh-xidhay.Jidka dhex-mara Dhismaha Daarta Baarlamaanka iyo Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaa Ciidanku ku duway Madaxda iyo taageerayaasha UCID, iyagoo Askartu sheegay inay Amar ku qabaan inaanay UCID hormarin Madaxtooyada. Musuuliyiinta UCID markii ay gaadheen xaruntooda, waxay ka hadleen dhacdada jidkaas loogu diiday, isla markaana waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin in Xukuumadda Siilaanyo Ciidammo u dalbato Madaxda iyo Taageerayaasha UCID, iyagoo ku dooday in xataa XIldhibaannada UCID ka soo baxay ee Golayaasha Deegaanka ay si gaar ah u bartilmaameedsato Xukuumaddu, tusaalena u soo qaatay Xildhibaanno Golaha Deegaanka Berbera ka tirsan oo bishii hore ilaalada Wasiirka arrimaha guduhu gacan-saareen iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo iyagana laba habeen ka hor lagu xidhay magaaladaas.
“Laga bilaabo Maanta maaha wax loo dulqaadan karaayo waxa dalka ka socda. Waar ma wax loo dulqaataaba in naloo diido Dariiqii Madaxtooyada hormarayay ee aanu maraynay, haddii anagoo Madaxda Xisbiga ah sidaa nalagu samaynayo Idinka(Shacabka) maxaa la idinku samaynayaa, ma wax loo dulqaataaba in toban qof oo ka mid ah dadkii I soo dhaweynayay maanta la xidho oo ay Xabsiga ku jiraan. Siilaanyo-na si fiican u seexan maayo dadkayagana la dhibaatayn maayo.” Sidaa waxa yidhi Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo halkaas ka hadlay.
Cabdirashiid waxa uu sheegay inay Hay’adaha ku shaqada leh u sii sheegeen in Musharraxoodu imanayo, taageerayaashiisuna soo dhawaynayaan, isagaoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Annagoo u sheegnay in Musharraxa UCID imanayo oo Taageerayaashiisu soo dhaweynayaan ayaa haddana RRU dariiqa naloo dhigay, ma wax la qaadan karayaa baa inay Xildhibaannadii Xasaannada lahaa oo aan Maxkamadi xidhan iska xidhnaadaan? Inta aan Maxkamad marin ee Jeelasha maanta ku xidhan ma xaq iyo wax la qaadan karaaba? Maaha wax loo dul-qaadan karo, waad la socotaan waxa Galbeed ka socda ee Bari ka socda ee meel walba ka socda in Muwaaddiniinta aan dembi lagu haysan saqda dhexe Guryaha loogu daadanayo waad ogtihiin, waad aragtaan in Sharciyaddi dhulka innagaga dhacday, waxaasina wax la aqbali karo maaha.”
Sidoo kale, Musharrax jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna taageerayaasha tirada badan ee soo dhaweeyey kala hadlay Xarunta dhexe ee UCID, ayaa sheegay inay tallaabada lagula kacay tahay wax aad looga xumaado oo aan loo dul-qaadan Karin, waxaanu Ciidammada u soo jeediyey inaanay qaadan amarrada qaldan ee dalka iyo dadka dhibaatada ku ah, sharcigana waafaqsanayn. “Ciidammada Qaranka waxaan u sheegayaa waar Amarkan la idin siinayaa waa wixii dadku ka dagaallamay, waxaan idin leeyahay ha qaadannina Amarka aan saxda ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharrax Jamaal waxa uu sheegay inay Mucaaradad adag ku qaabbilayaan Xisbiga Xukuumadda Xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi; “Wixii maanta halkaas ka dhacay ee ay noo sheegeen (Boolisku) ee ay yidhaahdeen amar baannu haysannaa inaydaan waddadaas marin, taas baa innoogu filan xaalka taagan. Waxaynu tusaynaa KULMIYE Mucaaradaddoodii mid ku laban laabanta. Markaynu Muddaharaadayno waa innoo Madaxtooyada horteeda.”
Waxa uu Jamaal Cali Xuseen dhalliilay Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay tahay mid dalka iyo dadka Somaliland caalamka ka gedoominaysa, waxaanu sheegay in Lacag Malaayiin Doollar ah oo ay dawladda Ingiriisku ugu talo-gashay inay wax kaga qabato Madaarrada dalka ay kansal-garaysay, ka dib markii ay Xukuumaddu ka soo bixi kari wayday hal shuruud oo ay ku xidhay oo uu ku sheegay inay samayso Xukuumaddu Xeerka Maamulka Madaarrada oo gaar ah, taasna ay ku fashilantay. Sidoo kalena, ay jiraan Mashaariic lacag badan caalamku ku bixin lahaa oo uu xusay inay iyagana ku fashilantay buuxinta shuruudaha looga baahday.
Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay tallaabada Xukuumaddu kula kacday ee ay Ciidammada Waddada ugu diyaarisay tahay wax fool-xun oo ay aad uga xun yihiin, iyagoo xusay in hore looga mabnuucay Masuuliyiinta UCID inay ku soo degaan Qolka Nasashada Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ee VIP-da loo yaqaanno, immikana loogu daray in Ciidammo dariiqyada Caasimadda loo dhigo oo waddooyinka laga xidhay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment