Tuesday, December 2, 2014

Jamaal Cali Xuseen oo Sababeeyey inay Mucaaradnimadoodu ka hoosayso Heerkii Kulmiye iyo Hadallada Is-burinaya ee Madaxda UCID

Muxuu ka yidhi in Guddoomiye Faysal Afka ka xidho Khilaafkii Golaha Wakiillada?
Hargeysa, 02 Dec, 2014 (Himilo)- Murashaxa madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay sababta mucaaradnimada Xisbiga Waddani iyo UCID ee xilligani uga hooseeyo marka la barbar-dhigo heerkii mucaaradnimo ee Xisbiga Kulmiye ku hayey wakhtigii Xukuumaddii xisbiga UDUB.
JAMAALAqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu qiray inuu jiro farqi u dhexeeya mucaaradnimada Xisbiyada Waddani iyo UCID ku hayaan Xukuumadda Kulmiye, waxaanu taas ku sababeeyey inay kala duwan yihiin dul-qaadka ay xukuumaddani u leedahay xannuunka mucaaradnimada iyo xukuumaddii hore ee UDUB oo uu sheegay inay kulaylka mucaaraddada uga dul-qaad badnayd xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Jamaal Cali Xuseen oo wakhtigan socdaal ku jooga dalka Maraykanka, waxa kale uu jawaab ka bixiyey dhaliilo lagu xanto hoggaanka sare ee Xisbiga UCID oo lagu sheego inay hadallo iska-soo horjeeda isla markaana is-burinaya kaga hadlaan xaaladda dalka, waxaanu arrintan oo uu ka garaabay ku sifeeyey mid ka tarjumaysa marxaladda siyaasadeed dalku ku sugan yahay.
Murashaxa Madaxweynaha ee UCID oo magaalada magaalada Saint Paul ee xarunta gobolka Minnessota ee dalka Maraykanka ugu warramay weriye Cali Xaraaro, waxa sababeeyey in hoggaanka UCID lagu dhaliilo hadallo is-burinaya oo ay ka sheegaan saaxadda siyaasadda.
“Horta kala-hadalkaasi waa mid Somaliland caado u ah, xukuumadda laftigeeda ayay dhibaatadaasi haysataa oo wasiir hebelbaa halkan ka hadlay, haddana wasiir kalaa si ka duwa uga hadlaya, markaa Xisbiyaduna waa la mid, waa aafo Qaranka u taala. Laakiin waxaan kuu sheegayaa, Xisbigayagu marna muu odhan wax iska soo horjeeda oo Cali Guray muu odhan Baarlamaanka sidanaa la samaynayaa, Faysal-na sidanaa la samaynaa ma odhan, laakiin waa laga yaabaa inaanu ka kala hadallo arrimo kala gaar ah oo ay wanaagsanaan lahayd annaga oo wada-joogna inaanu mar ka wada-hallo,” ayu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka jawaabay su’aal weriyuhu ka weydiiyey sababta madaxda UCID ku kallifta inay hadallo is-khilaafsan kaga hadlaan xaaladda dalka.
Jamaal Cali Xuseen oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Xisbi-mucaarad ahaan ka liitaan heerkii mucaaraddada Kulmiye iyo sababta ay uga duwanaadeen, waxa uu ku jawaabay, “Horta labadayada ha isku kaaya darin, qoladan kale xaggaasay (Xukuumadda) ayay la socotay in badan. Annaga Xisbigayaga in badan baanu mucaarad ahayn oo aanu mucaaridadda ku kaliyeysannay, laakiin immika intii WADDANI mucaaraddada nala soo gaadhay, waxa samaysantay shax-shax iyo diirrimaad ay dawladdii wax dareentay, dee markaa WADDANI-baa dabka nagala maqnaa markii hore,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Midda kale, sababta aanaan u gaadhin xilligii (Mucaaridnimadii) Kulmiye, dawladdii UDUB inay ahayd dawlad ka adag dawladda Kulmiye, mucaariddadana u adkaysanaysay oo dul-qaad u lahayd, qoladanina waxaanu u aragnaa inaanay dulqaad lahayn, isku-dhac badanna ay keenayso oo waxaaba layska xidhay masuuliyiintii Xisbiyada Mucaaradka iyo xildhibannadii baarlamaanka, sharciguna ma ogola in la xidho. Markaa waxaanu annagu is-nidhi dalka ha burburina oo tudha, kuwan haddaad ku mucaaraddaan, meesha waaba lagu kala tagi doonaa, sababtaasaanu dalka iyo dadka ugu naxaynaa.”
Jamaal Cali Xusee oo la weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Xisbigiisa UCID markii baarlamaanka iyo Xukuumaddu is-hayeen xiisaddii u dambaysay waxa la yidhaahdaa juuq maydaan odhan oo waa ka aamusteen’, waxa uu ku jawaabay, “Taasi waa been, waanu ka hadalley, guddoomiyahayaga uunbaa ka aamusay, laakiin waanu ka hadallay, guddoomiyuhuna markii shirka Hargeysa lagu qabanayey, wuu ag-fadhiyey, marar qaarkoodna maaha guddoomiyuhu inuu wax walba ka hadlo. Laakiin, mowqifkayaga waanagii eedaynay, laakiin aannagu waxaanu u arkaynay Baarlamaanka iyo xukuumaddu iyaguunbaa markii hore is-watay, markii dambe iska soo horjeedsaday,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment