Saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegayn inuu socdo baadhitaan, isla markaana goordhaw sharciga la horgeyn doono waiyahan oo muddo gacanta ugu jirey Sirdoonka Kenya.Afhayenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.
Ilaa hadda Maxkamadi kuma cadeyn Xasan Xanafi inuu dilay wariyaasha dilkooda loo heysto, hase ahaatee garsoorka Soomaaliya ayaa hore u sheegay in la hayo dacwado ka dhan ah oo soo gudbiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed.
Bishii August ee lasoo dhaafay ayaa booliska Kenya shaaciyey inuu qabtay Xasan Xanafi, hase ahaatee waxey sheegeen inuu inkiray magaciisa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment