Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Wariyeyaasha ku casuumay galabta saacada geeska Afrika marka ay tahay 4-ta Galabnimo inay isugu yimaadaan Madaxtooyada, xilligaasoo ay bilaabaneysa xaflada magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.Wararka soo baxaya, ayaa sheegaya inay u badan tahay in loo magacaabi doono jagada Ra’iisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaasoo shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho, kadib safar deg deg ah oo uu uga yimid dalka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay la kulmay Cumar Cabdirashiid, iyagoo ka wada hadlay qorshayaasha Xukuumada la soo dhisayo, qaabka loo soo xulayo Wasiirada, sida Baarlamaanka kalsoonida loogu heli karo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah waxaa uu galabta ugu dhawaaqi doonaa Ra’iisul Wasaarihii saddexdaad, tan iyo markii uu xafiiska qabtay dhamaadkii sanadkii 2012.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment