
Ugu Horrayn Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo Halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dhawaan la suuro galin doono Qalab xisaabinaya mirarada iyo wakhtiga Shirkaddaha isgaadhsiintu isticmaaleen si ay u sahlanaato in la cashuuro.
Wasiirku waxa uu sheegay in kala hormarsanaanta Shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo Wasaaraddu keentay in daartan casriga ah loo dhiso Wasaaradda “Waxaanu shaqo ka dhiganay intaanaan Barnaamijyo iyo Shirkaddaa Lacag la maqan iyo na siiyaan ka sheekayn inaanu samayno halkii aanu fadhiisan lahayn oo u eeg ama ugu yaraan u dhaw Shirkaddaha aanu doonayno inaanu wada shaqayno ama Nidaamka qaranka aanu ku ilaalinayn oo aanu sinaano halkii aanu caggahooda uu ka arki lahayn”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isna ku tilmaamay Dhismahan mid ka mid ah talaabooyinka hore loo qaaday ee Xukumaddiisu hirgalinayso “Farxad aad iyo aad u wayn ayay runtii ii tahay inaan Maanta ka soo qayb galo Xafladdan furitaanka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ahmiyad weyn qaranka u leh. In muddo ahba weynu Ogayn oo waxaynu furaynay Wasaaraddo badan,Hay’addo badan iyo Waddooyin badan oo horumarka dalka ku saabsan.markaa aad baan ugu hambalyaynayaa Wasiirka iyo Shaqaalaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta, aad baan ugu hambalyaynayaa Wasiirka Maaliyadda, markaa waxaan leeyahay Alle hawsha ha inoo fududeeyo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment