Wednesday, December 17, 2014

Ninkii Saddexaad Ee Kasoo Jeeda Qoyska Reer Bush Oo Doonaya Inuu Dalka Maraykanka Madaxweyne Ka Noqdo

Washington:Dec,17,2014(Himilo)-Qofkii saddexaad ee kasoo jeeda Qoyska Reer Bush ayaa shaaciyey inuu doonayo inuu madaxweyne Ka noqdo waddanka Maraykanka oo ay hore usoo hoggaamiyeen laba qof oo qoyskiisa kasoo jeedaa.

bushJep Bush oo horey usoo qabtay Guddoomiyaha Maamul gobaleedka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha doorashada 2016, isagoo maanka ku haya Guushii ay hore madaxtinimada dalkaasi kaso hooyeen Laba kamid ahaa qoyska Reer Bush.

Jep ayaa la dhashay Madaxweynihii hore Geore W Bush ee xilka ka degay 2008, sidoo kale Aabihiis ayaa hore xilka Madaxweynaha usoo qabtay.

Jeb ayaa hore taageero badan ugu lahaa gobalka Florida oo uu ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha laba mar, balse xiligan waxaa la isweydiinayaa inuu ku guuleysan karo tartanka Xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa isaga soo xuli doonaan murashaxooda.

Xisbiga Jamhuuriga oo uu Jeb Bush xubin ka yahay ayaa doonaya inay la wareegan Xafiiska Madaxweynaha doorashada 2016.

Balse Jeb ayaa caqabada ugu weyn ee hortaagan ay tahay siyaasadiisa ku aadan in cafis loo fidiyo iyo magangelyo dadka soogalootiga ah ee ku nool Maraykanka, halka inta badan taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriya iyo siyaasiintiisa ay kasoo horjeedaan arrintaasi.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment