Sida aynu wada ogsoonahay gobolka Awdal waa xarunta aqoonta iyo aasaaska waxbarashada geyiga Somaliland geesta kalena waa saldhiga iyo unuga nabada waana tiirka iyo tusmada wanaaga iyadoo ay sidaas tahay haddana waxa maalmahan ugu dambeeyay ka taagnaa xaalado aan sidaa u badnayn balse ugub ku ah Somaliland isla markaana ah kuwo aan marnaba laga filayn gobolka Awdal ee koobsaday astaan wanaaga Somaliland haday tahay aqoon, xadaarad, nabad, daganaansho looga bartay bulshada Boorama guud ahaanteed yar iyo weyn, carruur iyo cirroole, ragg iyo haweenba.
Waxaanan ku boorinayaa xukuumada iyo bulshada gobolka Awdalba inay si mug iyo miisaan leh uga arrinsadaan nabada iyo inaan marnaba gorgortan la galinin qaranimada Somaliland.
Waxaanan kula Talinayaa Bulshada Gobalka Awdal
Waxaad caan ku tihiin wanaag iyo waxyaabo baddan oo aad kaga soocan tihiin gobolada kale ee dalka isla markaana aan tilmaan ugu tihiin, waxana lagama maarmaan ah si aad doorkaa wanaagsan ee la idiinku tilmaansado aanu dhaawac u soo gaadhin inaad meel uga soo wada jeedsataan cid kasta oo wax u dhimi karta ama dhaawici karta astaantiina
Waxaan idinku dhiiri galinayaa sidii hufnayd ee aad u soo bandhigteen tabashadii iyo baahiyihii ku lamaanaa gobolka iyo bulshadaba aad ku taagnaataan inaad u soo gudbisaan mar walba taas oo ah talaabo wanaagsan in wixii la tabanayo la soo bandhigo ceeb la’aan
Waxaan idinku boorinayaa inaad ka feejignaataan cid kasta oo leh ujeedo ka baxsan tabashada gobolku qabo inaanay ka faa’iidaysan oo aanay ka dhiganin salaan ay u maraan fawdada iyo fidnada.
Salaadiinta dhaqanka gobolka waxaan kula talin lahaa inay talaabo haboon ka qaadaan cid kasta oo bahda dhaqanka ah isla markaana magacooga iyo ka gobolkaba meel kaga dhacaysa isla markaana ay iska bari yeelaan.
Waxaan kula talinayaa dhalinyarada gobolka Awdal oo ah labeenta aqoonta Somaliland inay ka digtoonaadaan damacyada dadka kale la maagan yihiin oo ay noqdaan kuwo aqoontooda iyo aragtidooda ku jiheeya bulshada gobolka iyo guud ahaanba geyiga
Xukuumada waxaan kula Talinayaa
Inay si cad oo aan gabasho lahayn ugu jawaabto baahiyaha gobolka iyo dalkaba.
Inay door firfircoon ka qaadato adkaynta iyo taabo galinta nabada.
Inay xoojiso xidhiidhka bulshada gobolada iyo guud ahaan dalka.
Inay iska dhawrto talaabo kasta oo bulshadu si qaldan u fahmi karto.
Inay toos ula xidhiidho cid kasta oo la majaro habaabiyo isla markaana ay wanaaga ugu baaqdo iyada oo kaashanaysa bulshada kale ee ku hareeraysan.
Madaxweyne ku xigeenka qaranka waxaan u soo jeedinayaa inuu qaato doorkiisa ku aadan gobolka Awdal.
Xisbiyada Mucaaridka waxaan kula Talinayaa
Ina aanay ka dayin kaambayn ama olole dhacdooyinka dalka ee la xidhiidha nabada
In meel uga soo wada jeestaan wixii nabada wax u dhimi kara.
In ay ka daayaan weedhaha xanafta leh ciidamada qaranka ee ku shaqeeya duruufaha qalafsan.
Inay ka shaqeeyaan isla markaana soo bandhigaan xaaladaha nolosha bulshada asaasiga u ah oo ay xogogaal noqdaan.
Saxaafada Guud ahaan waxaan kula Talinayaa
Maadaama oo ay saxaafadu tahay ha’yadaha ugu mihiimsan inay ka digtoonaadaan wixii bulshada kala fogayn kara.
Inay ilaaliyaan jiritaanka iyo qaranimada dalka.
Inay ka shaqeeyaan baahiyaha bulshada iyo dhibaatooyinka haysta iyagoon cidna uga habranayn.
Inay xoojiyaan isku xidhka bulshada iyo is dhexgalka dadka.
inay wax walba ka horeeysiiyaan danta dalka iyo danta dadka.
Guddoomiyaha Ururka Wadaniyada Iyo Wad Jirka Ee Maamuus
Mudane: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment