Wednesday, December 10, 2014

Wasiirka Maaliyadda oo Madal Madaxweyne Siilaanyo iyo Siyaasiyiin Mucaarad ahi joogaan Ku Masaxay Dhaliilo Madaxweynaha loogu jeediyo Hoggaamintiisa

“Waa inaanad madaxweynaha ka sheegin oo aanad odhan madaxweynuhu dalka ma xukumo, yaa xukuma dalka haddaanu madaxweynuhu xukumin? Isagaa wasiirka magacaaba, wasiirkana beddela, markaa haddii lagu beddelay,” – Cabdicasiis Samaale

Hargeysa, 10 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa dhaliilaha xisbiyada Mucaaradka ahi ugu jeediyaan Xukuumadda inaanay ka soo bixin ballan-qaadyadii ay hore u samaysay ku tilmaamay been-abuur lagu dafirayo wax-qabadkooda, waxaanu ku eedeyey inay cayda xukuumadda u adeegsadaan lacago miisaaniyadda Qaranka laga siiyo Xisbiyada Mucaaradka.
DSC_0374Wasiir Samaale oo shalay ka qayb-galay munaasibad lagu daah-furay Dhisme Cusub oo dalladda SONYO loo sameeyey, waxa uu jawaab ka bixiyey hadallo mucaaradka ahi ku sheegaan in madaxweyne Siilaanyo lagala wareegay hoggaaminta talada dalka oo ay cid kale ku takri-fasho awooddiisa, iyada oo madasha uu hadalka ka jeediyey ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka oo uu ka mid yahay Boobe Yuusuf Ducaale, kuwaas oo uu sheegay shirarka jara’aid ee Mucaaradku dhaliilaha ugu jeediyaan Xukuumadda lagu kharash-gareeyo Lacago Miisaaniyadda dalka ugu jira oo xukuumaddu ku naas-nuujiso.
Isaga oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Axsaab Qaran baa jirta oo laba xisbi mucaarad yihiin, xisbina uu yahay xisbul-xaakimkii, saddexda Xisbiba lacagbaanu siinnaa, sannad walbana waanu kordhinnaa. Markay axsaabtu Mucaararidka ahi qabanayaan shirarka jaraa’id ee ay xukuumadda caayayaan, lacagtay ku caayayaan xukuumaddaa bixisa. Sannadkan 2014 miisaaniyaddooda waxaanu ka dhignay libin-laab, 2015-ka miisaaniyaddooda intii ay 2014 ahayd libin-laabkeed ayaanu ku darnay. Waxa fiicnaan lahayd wax la idin taray iyo waxay xukuumaddu qabatay inaad sheegtaan.”
Wasiirka Samaale oo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee dhaliilaha u jeediya Xukuumadda kaga soo hal-qabsaday Boobe Yuusuf Ducaale oo munaasibadda ka qayb-galay, waxa uu yidhi, “Waa hubaal adduunku inaanu maalin qudha ku dhismayn, waa hubaal meel kasta oo aynu gaadhno wax innaga dhimani inay jiraan, laakiin had iyo jeer waxa sameeyaa wax layidhaahdo isbarbar-dhig wixii hore ee la qabtay iyo halkay maanta joogto. Annagu wixii hore ee la qabtay tiiyoon aanaan inkirayn, waxaanu laakiin leenahay 47 Milyan baanu ugu nimi miisaaniyadda dawladda, waxay maraysaa 251 milyan, Abtigay Boobe ayaan u sheegayaa, markaa haddaan intaa sheego oo aad ii qirto oo aanad igaga masuugin, wax weyn weeye. Laakiin Xukumadda dambe haddaad xil ka qabato, adigu la sug.”
“Waa inaanad madaxweynaha ka sheegin oo aanad odhan madaxweynuhu dalka ma xukumo, yaa xukuma dalka haddaanu madaxweynuhu xukumin? Isagaa wasiirka magacaaba, wasiirkana beddela, markaa haddii lagu beddelay, beddelaaddu ceeb iyo cudur maaha, xilka intaas oo qof baa isa soo beddela cuqdad in laga qaado maaha.
Annagu Wax-qabad uunbaanu sheegaynaa, shakhsi ma soo qaadno, waxaanu qabannay baanu sheegnaa, waxay dadkii naga horeeyey qabteen baanu sheegnaa. Markaad inkirayso ee aad leedahay xukuumaddu waxba may qaban, markaad leedahay madaxweynuhu dalka ma xukumo ee aad been sheegayso, ka daa beenta dadka baan ku leeyahay,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiir Samaale oo hoga-tusaaleynayey wax-qabadyada xukuumaddiisu kaga horeyso xukuumadihii ka horreeyey, waxa uu yidhi, “Madaxweynuhu markii uu xilka qabtay, waxa laga unkay golaha wasiirrada xeer xuquuq lagu siinayo madaxweynayaashii iyo madaxweyne ku-xigeennadii dalka soo maray oon hore xuquuq u lahayn. Afar Madaxweyne ku-xigeen iyo Saddex madaxweyne ayaa dalka soo maray, Afarta madaxweyne ku-xigeen mid ka mid ahi madaxweyne ayuu noqday, intaba dhammantood, marka laga reebo madaxweynaha iyo ku-xigeenka hadda talada haya, mushahar baanu bil walba siinnaa, ilaaladdooda ayaa la siiyaa, baabuur baa loo iibiyaa, madaxweynahaana taladaa keenay, annaguna waanu fulinnay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment