Hargeysa, 11 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si adag u dhaliilay xil-gudashada saddexda waaxood ee hay’adaha Dawladdu ka kooban, waxaanu ku dooday in xil-gudashadii dastuurka dalku ku waajibiyey saddexda hay’adood ee Garsoorka Xeer-dejinta iyo Xukuumadda oo meesha ka maqan ay sababtay caddaalad-darro iyo busaarad dalka ka jirta.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay ka hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusayey maalinta Xuquuqal Iinsaanka Caalamka oo lagu soo bandhigay tacaddiyo bani’aadamnimada ka dhan ah oo Somaliland ka dhacay sannadkan gudihiisa, waxa uu ka dayriyey xaaladda nololeed ee bulshada danyarta ah iyo camal-la’aanta dhalinyarada dalka oo uu sheegay inay ka shidaal-qaadanayaan nidaam-xumo maamul oo dalka jirta.“Dalka Busaarad weynbaa ka jira, waa la kala baxay, waxa loo kala baxay tiro yar oo milyaneero doonaysa inay samaystaan, qaarkoodna samaysteen iyo boqolkiiba siddeetan sabool ah oo baahan. Nasiib-darrada ina haysataa waxa weeyi, waxa heshiiyey baarlamaankii iyo xukuumaddii, markaa waxa lumay sharcigii, taasina waa nasiib-darrooyinka dalka ka jira. waxay ahayd inuu baarlamaanku ilaaliyo sharci oo xukuumadda ku ilaaliyo oo kaga daba-tago wixii ay xumeeyaan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu ka digay saamayn tabashada cadaalad-darrada ee shacabka danyarta ahi ku yeelan karto nidaamka dawladnimo, isaga oo sheegay in haddii hoos loo eegi waayo tabashada dadka danyarta ah ay horseedi doonto gadood shacbi, waxaanu yidhi, “Haddaan dadka dhalinyarta iyo dadka saboolka ah wax loo qaban, waligeed hagaagi mayso, waayo dadka saboolka ahi shaqo ayay u baahan yihiin, waxay ku noolaadaan ayay u baahan yihiin, wixii kolkay xaq ku waayaan, xaq-darro ayay ku raadinayaan, dawladina dhisnaan mayso.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment