Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (San-weyne), ayaa sheegay inay golaha u gudbiyeen warbixinta miisaaniyad-sannadeedka 2015 oo dhan 251 Milyan Dollar, maalmaha soo socdana la gudo-geli doono dooddeeda, waxaanu xildhibaanku ammaanay korodhka miisaaniyadda iyo kharashaadka wax-qabad iyo horumarineed ee ku jira, isaga oo ku ammaanay wasaaradda Maaliyadda Kobcinta dhaqaalaha dalka.Haseyeeshee, guddoomiyaha Guddi-hoosaadku waxa uu si adag uga hadlay Qiime-bararka maceeshadda iyo Sarrifka lacagaha Qalaad oo uu masuuliyaddeeda ku eedeeyey ganacsatada tafaariiqlayda ah, waxaanu ku gooddiyey inay gole ahaan daba gal ku samaynayaan Qiimaha Ganacsatadu Dibada kaga soo Iibsato Alaabooyinka iyo Qiimaha ay Bulshada kaga sii Iibiyaan, isaga oo ku dooday inay ka war-heleen in ganacsatada qiimaha ay doonaan shacabka wax kaga iibiyaan.
“Miisaaniyaddu way wanaagsan tahay, anaguna golihii waanu hor dhignay waana laga doodayaa Insha Allah,” ayuu yidhi Xildhibaanka oo ka hadlay miisaaniyadda oo ay u gudbiyeen golaha, isaga oo intaas ku daray inay guddi ahaan kormeer ku sameeyeen ilaha dhaqaalaha ee dalka intooda badan, isla markaana ay joogtayn doonaan kormeerrada goobaha Dakhliga dalku ka soo baxo.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in cabashada bulshada ee qiimo-bararka badeecaduhu aanay ka iman dhinaca dawladda iyo heerka Cashuuraha balse ay tahay Ganacsatada oo qiimaha kor u qaada, waxaanu yidhi, “Dadweynaha Cabasho badan baanu ka maqalnaa oo Cashuur kordhis ah.waxaan idiin sheegayaa Buuggan Miisaaniyadda ayaa sanad walba la soo galiyaa wixii Cashuur la kordhinayo ama la dhimayo,markaa kolka aanu baadhayno Ilaha dhaqaalaha waxaanu eegnaa ma waxaan Buugga ku jirin baa la saaray oo dadweynuhu ka cabanayaa.”
“Waxaanu ogaannay oo aan dadweynaha u sheegayaa maanta inaan cida badanaa wax kordhisaa ahayn Cashuuraha ee ay tahay Ganacsatada oo markay Dekeddaaa ka soo baxaan, Shiidaalkaaba ka mid ah, tusaale ayaan idin siinayaa markii aanu eegnay Tacriifada halkan noogu jirta ee aanu eegnay Kastamada waxaanu Ogaanay in Kaalmaha Shidaalku intay doonaan saaraan, maantadan baa ka mid ah oo ay haddana Sixirkii dib u kiciyeen, iyadoo Shidaalkii Adduunka oo dhamina dhacay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne.
Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha iyo Miisaaniyaddu ee Wakiiladu waxa uu shaaca ka qaaday qorshe xeer-nidaamiye loogu samaynayo hubinta iyo daba-galka qiimayaasha ay ganacsatadu dibadda kaga soo iibsadaan badeecadaha. “Markaa waxaanu wasaaradda Ganacsiga farray, Golahana waydiisanay inay Xeer Nidaamiye u sameeyaan oo lagu baadho ilaa Shidaalka halka laga keenayo, raashinka halka laga keenayo, inta la soo siinayo, inta uu Dekedda ku imanayo iyo inta la sii siinayo ama ganacsatadu ku sii iibinayso markuu Dekedda ka baxo. Ballan waxanu ku qaadaynaa inaanu dadweynaha u soo bandhigno ciddii ku xad gudbaysa xaqooda,” ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne.
Qorshaha xildhibaanku kaga dhawaajiyey ee Xeer-nidaamiyaha loogu samaynayo daba-galka qiimayaasha badeecadaha dibadda laga soo iibsado, ayaa ku soo beegmaya xilli wasaaradda Ganacsiga looga fadhiyo ballan-qaad ay dhowr jeer ku sheegtay inay samaynayaan Xeerkii kala-xadayn lahaa Nidaamka Ganacsi ee dalka, arrintaas oo ah halka ay salka ku hayso qiime-bararka iyo la-xisaabtan la’aanta xukuumadda doorkii ay ku lahayd sugidda heerarka ganacsi ee dalka iyo Qiimayaasha ay ganacsatada tafaariiqleyda ahi badeecadaha kaga iibiyaan shacabka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment