Suldaan Wabar oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal, deegaan ahaanna u dhashay magaalada Boorama, ayaa u ban-baxay duurka iyo keymaha buuraha gobolka Awdal oo uu galay, waxaanay xukuumaddu tallaabadaas kaga jawaabtay ciidamo tiro-badan oo lagu lagu daad-gureeyey deegaannadaas, in kasta oo ay jiraan waan-waan iyo isu-soo-dhawayn ay wadeen Wasiirro Xukuumaddu gobolkaas ugu dirtay deminta xiisadda iyo madax-dhaqameed u dhashay gobolladaas.
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta iyo Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo ay weheliyaan Wasiirrada Gaashaan-dhigga, Duulista iyo Hawada iyo Masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, ayaa ku gooddiyeen inaanay xukuumad ahaan cidna u daba-fadhiisan doonin ilaalinta ammaanka iyo xasiloonida dalka, iyaga oo Suldaan Wabar ugu baaqay inuu ka laabto go’aanka uu kaga dhawaajiyey isla markaana uu tabashadiisa ku soo bandhigo Miiska wada-hadalka.“Markii iigu horeysay ee intii aan Somaliland joogay aan arko waxaas oo tabasho ah ee waligeedba la sheegi jiray xukuumad tixgelisa oo dhegaysata (tabashada).Guddi Culus ayuu madaxweynuhu u saaray arrintaas, iyaguna (madax-dhaqameedka Awdal) si sharaf iyo milgo leh, ayay dooddoodaas iyo tabashadoodaas u dhiibteen.
Arrinkaas oo halkaa maraya oo madaxweynaha hortaalla, dhawaaqan immika ka soo yeedhay Suldaan Abubakar oo ah Suldaanka Jibriil Yoonis oo aan anigu ka mid yahay, tabashada noocaas ahna daba-fadhiya, waxa aanu oof-wareen ku ahayn kaliya tabashadii ee waxa daba-yaallay oo salaadiinta dhaqanka ee gobolku soo saareen inay shir kale oo beelaha Gadabuursi oo dhan ah ay ku qabtaan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Abgaal.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Qurbejoog iyo kuwa halkan joogaba, walaalahay waxaan leeyahay waar haddaad maalinta tafaraaruq iyo kala-tabasho aragtaan aad nagu soo qaylisaan, maalinta aanu samaysanno gole muddakar ah iyo hoggaan wanaagsanna aad na tidhaahdaan xaggan kale raaca oo suldaankaa dibadda ka qaylinaya raaca, xaggeed nagu waddaan.”
Wasiirku waxa uu baaq u jeediyey Suldaan Wabar, isaga oo sheegay inaanay Xukuumaddu Cidna u daba-fadhiisan doonin ilaalinta Ammaanka dalka, waxaanu yidhi, “Suldaankana waxaan leeyahay Kursigii aan kuu caleemo-saarnay ee maalka iyo talada badan nagaga baxday, kaas aad duurka la fadhido maaha, sharciyada iyo xeerarka dalka inoo yaallaa ma aqbalayaan. Amniga Xukuumaddaa ka masuul ah.
Waxaan ku soo ururinayaa, Xaajadani way dhammaanaysaa, sida umadda iyo hoggaanka dhaqanka ee Gadabuursi isla gartaan bay ku dhammaanaysaa, sidaasayna xukuumadda Somaliland tixgelinaysa.”
Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar, ayaa sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn awood ciidan oo loo adeegsado xiisadda ka taagan gobolka Awdal, waxaanu soo jeediyey in tabasho kasta oo jirta miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo. “Waxaan Jeclahay Suldaanku baaqaas uu jeediyey intuu ka laabto inuu miiska wada-hadalka ku soo laabto, wixii tabanayana wixii garawshiinyo leh lagu siiyo gar, wixii aan garawnshiinyo lahaynna uu qaato oo liqo, waxaanan jeclahay in halka ay taagan tahay aan laga weynaysiin xukuumad ahaan ee sideeda loo qiimeeyo arrinka, umana baahna ciidamadan gobolka la keenay in loo adeegsado wakhti xaadirkan,” ayuu yidhi badhasaabka Awdal oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal uu in muddo dibaddiisa ugu maqnaa.
Dhinaca kale, waxa shalay gelinkii magaalada Boorama ka dhacay bannaan-bax salmi ah oo si goos-goos ah uga dhacay magaalada, iyada oo ciidamada ammaankuna ay dusha kala socdeen bannaan-baxyada oo lagu taageerayey dhawaaqa ka soo yeedhay Suldaanka Duurka galay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment