Saturday, January 3, 2015

(GEEDI AAKHIRO) - Maanso Baroor-diiq ah oo loogu Duceeyey Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax

Maansadan oo isugu jirta baroor-diiq iyo Duco ku socoto Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo 29-kii December 2014-kii ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagaga daawaynayey dhaawacyo ka soo gaadhay Shil-baabuur oo duleedka Berbera ku qabsaday, waxaana marxuumka Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.
Maansadan waxa sameeyey Mowliid Aadan Cumar.
Waxaanay tidhi;

Geeridu Xaq Weeyoo
Waa Geedi Aakhiro’e
Ma Galbaday Halyeey Maxamed,
Ma Guddoomay Xukunkaa
Gabi ahaan Inoo Yaala
Galbiskii Jinaasadda Iyo
Guutooyinkii Dhigay Iilka
Geeshkaa Alle Isugu Keenay
Ee Aasay Waa Gobnimadiisiiye
Allahayow Marxuum Gee Jannadii
Wuxuu Ahaa Geesi Laab Furane
Gaadhsii Allahayoow
Wixii Duco La Guud Yeelay
Guuloow u Fududee Su’aalaha
Godkana U Waasici
Gurigii Uu Ka Baxay Iyo
Waalidkii Dhalay
Allahayoow Samir Ku Gaadh.
Ehelkii Garwaaqsaday Hadiisa
Allahayoow Samir Ku Gaadh
Golihii Saxaafada Iyo
Asxaabtiisii Guud
Allahayow Samir Ku Gaadh
Geesiyadii Ugu Mudnaa
Halgankii Gobonimada
Maxamuud Shiine Iyo Lixle-ba
Allahayoow Samir Ku Gaadh
Warsame Gaas Iyo
Gurmadkii Afrikadu Galeen
Mawdkaa Ka Gaadhaye
Guto Waajibkoodee
Allahayoow Samir Ku Gaadh.
Gudbiyeyaasha Wararka
Wargeysyada Geyiga Somaliland
Gu’oonow Jamhuuriya
Haatufkaa Gaboobe
Geeskaa Kamaal Guddoonsho
Saxansaxo, Ogaal iyo Gu’ga Foore
Gadhwadeen Madar Iyo Himilo
Keef Iyo Hubaal
Gu’yare Sahan Iyo Somaliland
Saldhigii Marxuumka ee Saxafi
Dhamaan Website-yada Iyo Tv
Warfidiyeenada Giddigood
Guuloow Samir Ku Gaadh.

DHAMMAAD

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment