Alle SWT isagoo ka hadlaya sanamyada dadku wax moodaan iyo cid kale oo wixii Alle SWT xaqa u lahaa cid kale laga doonto wuxuu suuratul yuusuf ku yidhi “ma caabudaysaan Alle sokadii, waxaan magacyo aad samaysateen idinkiyo aabayaashiin ahayn”, waxa aad halkaa ka arkaysaa inay nafahooda kuwa sanamyo dul fadhiyaa habsaminayaan, oo maantaba qaar ayaa dul fadhiya sida dunida bariga haddii aad u kacdo aad arki doonto, markaa walaal maaha in aad naftaada wax aan aakhiro iyo adduun wax ku tarayn ku mashquuliso, waxa la mid ah kuwa qubuuraha wax moodaaya.
Alle SWT isagoo la yaab ku tilmaamay qofka rabitaankiisa Illaah ka dhiganaya ayaa u suratul jathiyaat u ku yidhi “bal eega ka Illaah ka dhiganaya hawo”, naftaadu wax kasto oo ay rabto haddii aad ahaato mid sameeya maanad iyada adoon u noqon?.
Walaal intaas oo daliil Qur’aan iyo Xadiisba leh waxaynu u keenaynaa inay inoo cadaato inaanay marnaba inoo banaanayn inaynu wuxuu Alle SWT xaqa u lahaa aynu cid kale la doonano, waana ta aynu uga hadlayno mawduucan aynu ula baxnay Xaqa Alle SWT inagu leeyahay iyo Xaqa aynu inagu Alle SWT ku leenahay, Alle SWT isagu marnaba cid ma dulmiyo oo waliba cafiskiisa badan, laakiin inagaa ka leexana wixii layna farayn oo inteena badani ka tagna, waxa dadka qaar la yaabaan markaynu leenahay Illaahay SWT wuxuu xaqa u lahaa cid hala wadaajin laga yaaba inay yidhaahdaan oo sidee ayaa loola wadaajin karaa?..... waxaynu leenahay ka waran qofka qabri ku dul meeraysanaya ee ubad, caafimaad, xoollo iyo xil weydiisanaya. Qof isagii allaystay oo xisaabtii aakhiro ku jira, oo adiga inaad Alle SWT dambi dhaaf u barido kaa sugaya, haddii aad isaga wax ka dhigto, sow xaqii Alle SWT kugu lahaa maad baal marin, cid aan wax ku tarayna kulamaad kufin.
Ka baqashada shirkiga
Dambiga waxa aan ka baqan gaalka iyo munaafaqa, balse qofka iimaanka leh dambigu aad ayuu u dhibaa, waxaadna ku garan kartaa Cumer Ibnu Khadaab Rc siduu uga baqan jiray munaafaqnimo inay haysto, oo waakii u tagayey asxaabigii Rasuulku CSW sirta u sheegi jiray ee Xudayfa Rc waakii ku lahaa “Illaahbaan kugu dhaariye magacyadii munaafaqiinta ee Rasuulku CSW ku sheegay magacayga mukuugu daray”, waakii asxaabigu ku lahaa “may”.
Asxaabigii Ibnu Abi Mulayka Rc waakii xadithkii uu Bukhaari werinayey ku lahaa “waxaan soo gaadhay in ka badan soddon asxaabtii Nabiga CSW ah, manaan arag mid aan naftiisa uga baqanayn nifaaq (munaafaqnimo)”. Bilaahi calayk haddii asxaabtii Rasuulku sida ay uga baqanayeen munaafaqnimo inagu xagaynu isla joognaa. Bal eeg Alle SWT isagoo ka waramaya inaan lays qaadqaadin oo nafta waxaanay ahayn laga dhigin laysna cajabin suuratul najmi waaka ku yidhi “hay amaanina nafihiina, Alle waa ogyahay qofka isaga ka baqanaye”.
Alle SWT isagoo og qofka ka baqanaya iyo ka iska yeelyeelaya isaagana kala saaraya, waxay aayadu ka hadlaysaa inaynaan inagu is cajabin, oo cibaadada aynu la imanayna aanay wax weyn u qaadan, balse ogaano inay jirto cibaado aan la aqbalinba; sida haddii aad cid kale is tusayso, haddii munaafaqnimo kugu jirto iyo meelo badanba.
Alle SWT suuratul nisa wuxuu ku yidhi “Illaahay uma dambi dhaafo qofka isaga ka gaalooba, wixii (gaalnimada) intaa kasoo hadhana wuu u dambi dhaafa haddii uu doono”. Waxaad arkaysaa in gaalnimo naxariis lahayn, dambi dhaafna lahayn qofka sidaa ku hoydana aanu naxariis rabi sugayn.
Dadkii wanaagsanaa ubadkay dhalaan waxay ku tarbiyadayn jireen in aan shirkigu wax yar ahayn, bal eeg suuratul luqmaan siduu ninkaasi inankiisa u dardaarayo “inankaygiiyow ha u shariik yeelin Alle, shirkigu waa dambi weyn”. wuxuu u sheegayaa in aan shirkigu ahayn wax yar oo inta layska sameeyo layska fadhiisan karo adigoo dhoohan oo moogan waxaad samaysay ee shirkigu acmaashaadii oo dhan masaxayo.
Dadkii wanaagsanaa waxay ku ducaysan jireen sida Alle SWT Qur’aanka ku sheegay “Allahayoow qalbigayaga ha leexin, intaa aad hadaysay ka dib”. Waxa aad arkaysaa in qalbigu yahay haydarooniga leexleexinaya nafta, oo Rasuulku CSW waakii isna ku ducaysan jiray “Illaaha qalbiyada gedgediyoow, qalbigayga diintaada ku sug”.
Alle SWT suuratul maa’ida wuxuu ku yidhi “qofka u shirki yeela Illaahay, waxa laga xarimay jannada, hoygiisuna waa naar”. Illaah haynaga ilaaliye waxaad arkaysaa xaga lagu dambayn doono haddii lagu kari waayo xaga ay tahay.
Waxa ka sugnaaday dadkii wanaagsanaa inay nafahooda iyo ubadkooga Illaahay SWT u baryi jireen inoo dhawra bal eeg suuratul Ibraahiim isagoo Alla SWT la hadlaya”Illaahow iga dheere aniga iyo ubadkayga caabudista asnaamta”.
May ahayn ambiyadu qaar is dhigta oo isagii ayaa iskaga bilaabaya oo Alle SWT hanuunka waydiisanaya. Bal u fiirso Nabi Yacqbub CS oo geeridi usoo dhawaatay oo ubadkiisii si waraysanaya siduu Alle SWT suuratu baqara kaga waramay “xus xilli yacqub inamadiisi ku lahaa, dabaday maxaad cabuudi doontaan”. In lays tarbiyadeeya oo qof kasta inta uu ka masuulka yahay tarbiyada wanaagsan tahay, maalinta qiyaamena qof kasta intuu masuulka ka ahaa waa la weydiin waxay qabteen iyo inuu dayacay iyo in kale sida Rasuulku CSW xadiiska ku sheegay “qof kasta wax baa la raaciyey, qof kastana waa masuul”.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment