Monday, April 20, 2015

Al-shabaab Oo Garowe Ku Qarxisay Gaadhi Qaramada Midoobay Lahayd, Iyo Dhimashada Oo Ajaanib Iyo Soomaaliba Gaadhay

unorGarowe:April,20,2015(Himilo)-Qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac badan, ayaa maanta kooxda Al-shabaab ka fulisay Gudaha Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, waxana halkaas ku dhintay Shaqaale u shaqaynayey Qaramada Midoobay Oo Soomaali iyo Ajaanib iskugu jira.

Qaraxan, ayaa lala eegtay Gaadhi Hay’adaha Un-ta u shaqaynayey, waxana la sheegayaa in qaraxu ka dhashay Walxaha qarxa oo Gaadhiga lagu xidhay.

Warar hor dhac oo la helayo ayaa shegaya dhimashadu inay tahay ilaa iyo toban ruux , sadex ka mid ahi ajaanib yihiin, Halka aan la xaqiijin tirada soomaalida ku dhimatay.

Waa markii ugu horaysay oo shaqaale QM u shaqaynaya Puntland lagu dilo qarax, sanadkii hore waxaa lagu dilay laba qof oo ajnabi ahaa oo katirsanaa hay’adda UNODC kadib markii nin ku labisan dharka ciidamada uu ku toogtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment