Sunday, April 19, 2015

Is-bahaysiga Mucaaradka oo Shaaciyey inay qabanayaan Shir kala tashi oo Xukuumadda talada haysa ka dhan ah

Hargeysa, 19 April, 2015-(Himilo)- Is-bahaysiga Mucaaradka ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada-tashiga, ayaa shaaciyey inay qabanayaan Shir ay ugu yeedheen kala-tashi, kaasoo ay kaga wada-tashan doonaan sida ay sheegeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada oo muddo-xileedkoodu ku dhammaanayo 26-ka bisha June ee badhtamaha sannadkan 2015-ka.

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI, UCID iyo Madasha Wada-tashiga, ayaa shir Jaraa’id oo ay shalay wada-jir ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen inay Xukuumadda talada haysa oo ay muddo si is-daba-joog ah ugu baaqayeen in wada-tashi lagaga wadahadlayo waxa la yeelayo marka wakhtiga Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu dhammaato 26-ka June maaddaama oo ay caddahay inay doorashadu ka dib-dhacayso xilligaas ay dhegaha ka furaysatay, isla markaana si caafimaad-qabta uga jawaabi weyday baaqyadaas. Sidaas awgeedna, ay go’aansadeen inay qabtaan shir kala tashi ah oo ay Is-bahaysiga Mucaaradku hoggaaminayaan.

“Waxaannu hore ugu baaqnay in wada-tashi iyo is afgarad laga yeesho wixii laga yeeli lahaa Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee wakhtigoodu sii dhammaanayo, hase-yeeshee illaa hadda wax farriin ah kama hayno Xukuumadda. Mucaarad ahaan waxaannu maanta (shalay) ku dhawaaqaynaa kol haddaannu waynay wada-tashigii, in aannu toddobaadka soo socda samayn doonno Guddiga qabanqaabada Shirka aannu goonidayada ugu tashanayno. Waxaannu shirkaas kaga tashan doonnaa arrintaasi innagu gedaaman wixii aannu kaga bixi lahayn.” Sidaa waxa yidhi Ku-simaha Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo shirkaas ka akhriyey qoraalka ay wada-jirka u soo saareen Is-bahaysiga Mucaaradku.

Waxaanu sii waday qoraalkaas, waxaanu yidhi; “Muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Wakiillada waxaa ka hadhay 69 cisho, wakhtigu cidna saamixi maayo, Wufuud badan oo Maraykan iyo Yurub iyo cid walba leh ayaa dalka timid, intuba waxay ka dhawaajiyeen inaynu doorashooyinka qabsanno December, Komishankana waxaannu ka sugaynaa inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo maalinta doorashada. Waxaana lagama maarmaan ah oo ay in laga hadlo tahay, Xeerka diiwaangalinta oo uu ku jiro qodob sheegaya in doorashada la qabto 6 bilood ka dib marka diiwaangalinta codbixiyayaasha la qabto. Komishanku wuxuu sheegay in diiwaangalintu dhamaanayso 21 November, wakhtigaa 6 bilood ka bacdi inay doorashooyinku qabsoomaan baa ku qoran sharciga. Markaas looma baahna 6-daa bilood waxaannu soo jeedinaynaa in laga saaro qodobkaas.”

Inkasta oo uu Madaxweynaha Somaliland Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), 29-kii bishii March ee sannadkan 2015-ka Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah oo uu ka horjeediyey fadhi wada-jir ahaa oo ay labada Gole Baarlamaan iyo Wakiilladu yeesheen ku sheegay in uu diyaar u yahay wada-tashi laga yeesho xaaladaha Siyaasiga ah ee doorashada ku saabsan, haddana weli si kale ugama jawaabin Madaxweynuhu Baaqyada Mucaaradku sida is-daba-joogga ah ugu jeedinayeen ee la xidhiidha in Madaxweynuhu hoggaamiyo wada-tashi Qaran oo laga yeesho waxa la yeelayo inta ka horraysa 26-ka June si uu go’aan u noqdo waxa la yeelayo marka la gaadho 26 June 2015-ka.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment