Nairobi, 12 April, 2015 (Himilo)- Dawladda Kenya, ayaa u qabatay muddo saddex bilood ah Hay'adda Qaxoontiga Adduunka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR in ay ku xidho Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab ee waddanka Kenya ka furan, haddii kale ay dawlad ahaan qasab ku xidhii doonto marka muddadaasi dhammaato Xeryhaasi oo Soomaali badani ku dhaqan tahay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto, ayaa dalbaday in Xeryahaasi loo raro dhinaca Xadka ee gudaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay go'aankaasi ku wargliyeen Hay'adda UNHCR. Arrintani waxa ay ka dambaysay weerarkii ka dhacay magaalada Gaarisa Khamiistii toddobaadkdhawaan oo ay ku dhinteen 148 qof. Waxaa sheegtay weerarkaasi kooxda Alshabaab.
Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay tuhunsantahay in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab loo adeegsado xarun ay AL-shabaab weerarada ka soo agaasimaan. UNHCR oo maamusha Xeryahaas oo ay ku jiraan nus malyuun qof oo Soomaali u badan, balse weli UNHCR kamay hadal warkan ka soo baxay dawladda Kenya.
Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Soomaalida ah ee ka tirsan dawladda Kenya, ayaa markii uu dhacay weerarkii 2-dii bishan April Kooxda Al-Shabaab ku qaadday Jaamacadda magaalada Gaarisa oo ku taalla gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, waxay ku eedeeyeen in Xeryaha Qaxoontiga ee Dhadhaab laga soo maleego weerarro Argaggixiso oo laga fuliyo gudaha waddanka Kenya, waxaanu hadalkan Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya caddaynayaa inay dawladdu qaadatay hadalka ay Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee Kenya ku eedeeyeen Xeryahaas in hawlgallo argaggixiso laga abaabulo.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment