Thursday, April 2, 2015

Madaxweyne Silaanyo Oo Xeer Uu Soo Saaray ugu kala wareejiyey masuuliyad hawleed laba wasaaradood

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa soo saaray xeer madaxweyne ujeedadiisu tahay in wasaarada dib-u-dejintu u madaxbanaanaato hawlaha qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanaa wasaarada arrimaha gudaha.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha gaarka ah ee xafiiska saxaafada ee madaxtooyada ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3134/042015 ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL ee summaddeedu tahay MRR&R/M/6/2025 ee ku Taariikhaysan 21/03/2015, ujeeddadiisuna tahay dib u soo celin Waaxdii Qaxootiga ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo hore loo hoos-geeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Arkay: Qoraalka summaddiisu tahay M/W/M/241-013/082010 ee ku Taariikhaysan 03/08/2010, ujeedadiisuna tahay in Xilka Wasaaradda Dib-u-dejinta lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo looga gol-lahaa in la mideeyo labada Wasaaradood;

Markuu Tixgeliyey: Dib-u-habaynta Wasaaradaha Xukuumadda ee kala saaridda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda
Dib-u-dejinta oo yeelatay jiritaan qaanuuni ah iyo Wasiir
hoggaamiya, Qaab-dhismeedkeediina dib loo soo celiyey;

Markuu Arkay: Qoraalka Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay RSL/VP/AUNA/29-OO1/106 ee 08/01/2006 iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Golaha Wasiirradu ku ansixiyey Shir Lr. 132 ee 03/04/2014, isla markaana Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ku xusan tahay in dadka qaxooti ahaan u jooga Somaliland, dadka dib uga soo noqonaya Xeryaha, dadka qaxootiga ee dalalka dibedda ka soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha ay Xukuumadda Somaliland uga mas’uul tahay Wasaaradda Dib-u-Dejintu;

Wuxuu go’aamiyey

1. In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha.

2. In Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku wareejiso Wasaaradda Dib-u-dejinta Hawlaha ay haysay intii ay labada Wasaaradood isku jireen ee la xidhiidha qaxootiyada iyo barakacayaasha.
ALLAA MAHAD LEH
Himilomedia.com
Hargeysa-somalilandDSC_0027

No comments:

Post a Comment