Alexandria:April,06,2015(Himilo)-Wararka ka imanaya dalka Masar, ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka dalkaasi xabsiga u taxaabeen Soomaali tiro badan oo doonayey inay u tahriibaan dhinaca dalalka yurub.Dadkan Soomaalida ah ee la xidhxidhay, ayaa waxaa laga xidhay Magaalada Alexandaria ee dalka Masar, waxaana tiradooda lagu sheegay inay gaadhayaan ilaa 35-ruux oo hablo iyo Wiilal isugu jira.
Haweenay sheegtay inay ehel yihiin qaar kamid ah Dadka la xidhxidhay, ayaa warbaahinta u sheegtay in shakhsiyaadka la xidhay ay doonayeen inay raacaan maraakiib si tuuganimo ah uga baxa Xeebaha waddanka Masar, isla-markaana ku jihaysnaa dhinaca waddanka Talyaaniga.
Haweenaydan warbaahinta la hadashay oo magaceeda ku sheegtay Fartuun, ayaa tilmaamtay inaanay jirin cid ilaa hada u dooday dadkan Soomaalida ah ee xidhan, balse ay iminka ku jiraan xabsi ku yaalla dalkaasi Masar.
Hore dalka Masar waxaa loogu xidhay dhalinyaro kala duwan oo doonaysay inay ka tahriibaan dalkaasi, xilli dalka Masar uu mamnuuc ka yahay arinta ku aadan tahriibka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment