Hargeysa:April,04,2015(Himilo)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland iyo Xildhibaanno katirsan Golahaas, ayaa jawaab ka Bixiyey dhaliilo ay hore ugu soo jeediyeen Hoggaanka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, waxana ay ku adkaysteen inaanay inaan Golehoodu geyin Dhaliisha loosoo jeediyey.Ugu Horrayn Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Siciid Jaamac Cabdi oo saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inay Odayaasha Madasha Ixtiraam u hayaan, isla-markaana iyaga qudhooda looga Baahan yahay inay ixtiraam sameeyaan.
Siciid Jaamac Cali oo arrimahaas ka Hadlaya, ayaa yidhi,
“Marka hore waan ixtiraamayaa odayaasha madasha, waana odayaal mujaahidiin ah oo siyaasiyiin ah oo dalka qiimo badan ku leh, balse ma aha Hay’ad sharci oo dhinaca Hay’adaha sharciga noogu jirta, maadaama oo ay ragaas muhiimka ah yihiinna, waxa wanaagsan inay taladooda iyo qowlkooda iyo ficiladooda ay sidaas si ka duwan u dhigaan.”
Guddoomiye Siciid Jaamac waxa uu sheegay in mudanayaashu Guurtidu mudan yihiin in la ixtiraamo, waxana uu intaas ku daray in xubnaha dhaxalka ku yimi ee Goluhu aanay geyin in lagu aflegaadeeyo kamid ahaanshahooda Golaha, waxana uu yidhi,
“aad iyo aad baan uga xumahay in rag siyaasiyiin ah oo dalka mustaqbal iyo xilal ka doonayaa iyagoo aan gaadhin inay isa sii fasakhaan, golaha guurtiduna waa gole sharci ah oo ixtiraamkiisa leh, Xubintu ama ha yaraato ama ha weynaatee marhaddii loo dhaariyo xildhibaan ahaan waxay mudan tahay maamuuskeeda iyo xasaanadeeda, in lagu gefana ma aha, goluhuna ama dhaxal ha ahaado ama si kale ha ugu soo kordhee dadkoo dhan baa wada dhaxal, waxaas oo cuqaal ahi waa wada dhaxal.”
Siciid Jaamac waxa uu sheegay in xubin kasta oo Golaha ka baxdaa qoyskii ay ka baxday xaq u leeyihiin inay soo beddeshaan, maadaama aanu jirin sharci kale oo intaas dhaafsiisan oo xubinta cusub lagu xidhaa, marka laga reebo inaanu dembi lahayn, isla-markaana caafimaad ahaan fiican yahay,
“Goluhu qaab kasta haku yimaadee sharciyad uunbuu ku yimaadaa, ama reerkoodu ha keenee waa distoorka iyo sharciga waxa aanu raacaynaa oo kaliya ah waayo wali golaha guurtidu sharciyaddii lagu soo dooran lahaa ama lagu soo xuli lahaa ma dhamaystirna, sidaas darteedna qodobka ufasaxayaa waa jagada bannaanaata inay soo buuxiyaan qoyskii uu ka baxay marxuumkii jagada ku jirey, iyagu markaa ama walaalkii ka keenaan ama inankiisii ha keenaane.”
Mudane Siciid Jaamac waxa uu sheegay in ka hor inta aan mudanaha la dhaarin lasoo mariyo Hay’adaha caafimaadka iyo kuwa dembi baadhista, wixii ay soo qoraana ay guurti ahaan ku kalsoon yihiin,
“Mudane kasta inta aan la dhaarin waxa lasoo mariyaa Ha’yadaha Caafimaadka, markaa ma waxaynu leenahay Hay’adaha Caafimaadka ayaa Been sheegaya markaynu leenahay Dadbaa waalan, Mudanuhu intaan la dhaarin warqadda Dembi la’aanta iyo warqadda caafimaadka ayuu keenaa.” Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.
Siciid waxa uu caddeeyey inaanay xarunta Golaha ku Haynin Xildhibaanno Maskaxda Wax ka qaba, waxana uu arintaas ku tilmaamay mid kabaxsan Milgaha Hadalka, waxana uu yidhi,
“Anagu halkan kuma hayno Dad dhimirka wax ka qaba, taasina waa ceeb, waana in xildhibaanka ka sokow qof shakhsiyadiisa wax loo dhimo, markaa odayaasha waxan odhan lahaa anagu odhanmayno qaar waalan ama khalkhalay baa idinku jiree sidaas la idiin ixtiraamayo u ixtiraama Golaha.”
Dhinaca kalena Xildhibaan Suldaan Ismaaciil oo kamid ah Golaha Guurtida oo isaga laftiisu halkaas ka hadlay ayaa si dadban udeedafeeyey Hadalka saraakiisha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, waxana uu sheegay in gole aan sharci ahayni sharci darro ku sheego Hay’adihii sharcidarrada ahaa ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxana uu yidhi,
“waxa iska abuurmay Hay’ado Sharcidarro ah oo aan distoori ahayn, kuwaas oo caadaystay marwalba inay wiiqaan waxna ka sheegaan ee jirey, waxa aad maqashaan rag badan oo siyaasiyiin ah oo qaarkood doonayaan inay dalkan mustaqbalka hoggaan ka noqdaan, kuwaas oo leh, Gole Guurti ma jiraan, dawladi ma jirto, madaxweyne Ma Jiro, Komishan ma jiro, waar dee markaa maxaa jira ee aynu ku kala soconaa haddii maalin walba ninku waxa uu doono uu iska yidhaahdo oo uu baabi’iyo wixii sharciga ahaa isagoo isaga laftiisu bilaa sharci ah.”
Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax Oo Kamid ah Golaha Guurtida, isla-markaana Golihiisa ka difaacay Eedaha uga yimi dhinaca Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka.
Mudane Siciid Maxamed Libaax waxa uu sheegay in Hadalka kasoo yeedhay Madasha Wada-tashiga ee ka dhanka ah Golaha Guurtidu uu yahay mid aan loo meeldayin, isla-markaana ay waajib tahay in laga bixiyo jawaab ku haboon.
Siciid Maxamed Libaa ayaa hoggaanka Madasha usoo jeediyey inay ka waantoobaan Daacayadaha ka dhanka Golaha Guurtida, waxana uu xasuusiyey Muhiimadda Goluhu ugu fadhiyo Gebi ahaanba dalka.
Hadalkan kasoo yeedhay Hogaanka iyo Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa waxa uu ka dambeeyey dhaliilo kulul oo uu dhawaan Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac ugu jeediyey Mudanayaasha Guurtida, kuwaas oo salka ku hayey in golaha Wakhtigan fasaqmay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment