Saturday, April 18, 2015

WASHINGTON: Natiijada Shirweyne lagu Lafo-guray Suurta-galnimada sidii Shuruucda Caalamiga looga taageeri lahaa Aqoonsi-raadinta dalal Somaliland ku jirto

Shirkan oo lagu soo bandhigay Daaraasad laga sameeyey Nidaamka Dowladnimo ee Somaliland

Washington, 18 April, 2015 (Himilo)- Shirweyne Caalami ah oo todobaadkii hore ku qabsoomay magaalada Washington ee Xarunta dalka Maraykanka, isla markaana ay ka qayb-galeen Khubaro isaga kala timi jaamacadaha adduunka, ayaa lagu lafo-guray suurta-galnimada taageero sharci lagu badhi-taageero dedaallada madaxbannaani-doonka iyo Aqoonsi-raadiska ee ka jira adduunka iyada oo aan laga tallaabsanayn majaraha shuruucda Caalamiga ah.
yuyiShirweynahan oo ay si wada-jir ah u qaban-qaabiyeen Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda George Washington University iyo Machadka Caalamiga ah ee daraasaadka Xasuuqyada iyo Xuquuqda Aadamaha oo ka tirsan Machadka Zoryan, ayaa lagaga dooday arrimo ku saabsan gabbood-fallada loo geysto dadka laga tirada badan yahay iyo sidii loo heli lahaa suurta-galnimada dariiqyada loo mari karo madax-bannaani ama aqoonsiga ay raadinayaan waddamo dunida ka tirsan, iyada oo shirka laga akhriyey war-bixinno iyo taariikhaha dalalka adduunka ee qaddiyadooda laga hadlay oo Somaliland ka mid tahay.
Shir-weynahan oo socday 7 ilaa 8-dii bishan, waxa ka qayb-galay isla markaana fikradaha iyo doodaha laga jeediyey in ka badna 20 khabiir oo isugu jiray Macalimiinta ka tirsan Jaamacadaha Caanka ah ee dunida, garsooreyaal Caalami iyo Xubno u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda bai’aadamka, sida lagu sheegay warbixin shirkan laga diyaariyey oo ay baahisay Xarun warbaahineed oo fadhigeedu yahay magaalada Washington.
Guddoomiyaha Machadka Roger W. Smith oo kulanka ka hadlay furitaanka Shirweynaha, ayaa soo bandhigay Caqadaha ku gedaaman in shacbi badan oo dunida ka tirsan helaan xuquuqahooda aasaasiga ee Siyaasiga ah iyo kuwa bulshada, gaar ahaan in loo tixgeliyo aayo-ka-tashiga iyo mabaa’diida ku salaysan inay iskood isugu tashadaan ooo aqoonsi iyo qaddarin ka helaan dunida inteeda kale, isaga oo tusaale u soo qaatay waddamada Jamhuuriyadaha madax-bannaani doonka ah ee ku yaala Bariga Yurub iyo Dalweynihii laysku odhan jiray midowga Soofiyeeti.
Haseyeeshee, waxa uu Roger W. Smith ka digay in dhaq-dhaqaaqyadaasi caqabad ku yihiin nidaamka kala-dambaynta iyo Ammaanka adduunka. “Mararka qaarkood in lagu heshiin waayo mabaadiida Aayo-ka-tashiga iyo madax-bannaanidu waxay caqabado waaweyn ku keentay Beesha Caalamka sida Kosovo, Bosnia, Transnistria iyo gobollada ismaamulka leh ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti,” ayuu yidhi Mr Roger.
Madaxa kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda George Washington, Susan L. Karamanian oo muhiimadda uu xambaarsanaa iyo waxyaabaha lagaga hadlay shirka wax laga weydiiyey, ayaa tidhi, “Waxa shirka lagu faaqiday xiisadda ka dhex-aloosan iyo sidii laysu waafajin lahaa madax-bannaanida iyo mabaadiida shuruucda Caalamiga ah iyo sidii loogu hay’adaha caalamiga ahi iyo siyaasiyiinta loogu baraarujin lahaa ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay,” ayay tidhi haweenaydani.
Prof. Dap Akande oo ka socday Jaamacadda Oxford ee magaalada London, ayaa isagu ka dooday isla markaana si faahfaahsan uga hadlay su’aal la weydiiyey oo nuxuurkeedu ahaa haddii Shuruucda Caalamiga ahi oggol yihiin in Ciidamo lagu taageerayo loo adeegsan karo dhaq-dhaaqyada madax-bannaani-doonka ah ee adduunka.
Haseyeeshee, in kasta oo aanay shirka goob-joog ka ahayn wakiillo metalayey waddamada aqoonsi-raadiska ah, haddana khubarada doodahooda iyo afkaarahooda kaga qayb-qaatay muddadii labada maamood ee uuu socday, waxa madasha lagu soo bandhigay daraasaad laga sameeyey waddamo Somaliland, Kosovo, South Sudan, Ukraine, East Timor iyo Jamhuuriyadaha ku yaala gobolka Caucasus waddamo ku yaala Bariga Qaaradda Yurub oo ay ka jiraan Jamhuuriyado aqoonsi-raadis ah, kuwaas oo loo kala saaray kuwa guulaystay iyo kuwo guul-darraystay, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray Massispost oo xaruntiisu tahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Sida warbixinta lagu sheegay, laba ka tirsan khubarada shirweynaha ka qayb-gashay oo soo bandhigay daraasaadka laga sameeyey waddamada Somaliland ku jirto, waxa doodaha laga dhiibtay si gaar ah loogu lafo-guray kiisas la xidhiidha nidaamka shaqo ee dowladaha iyo haddii hay’adaha Dimuqraadiga ah aanay awood u lahayn ilaalinta Xuquuqda bani’aadamka iyo in dowladuhu abaabulaan kacdoonno ay ku duudsiyaan Xuquuqaha shacabkooda. Sidoo kale, waxa laga dooday haddii dowladaha aqoonsi-raadiska ahi ay dalalkooda ka hirgeliyeen nidaam dowladeed heerkiisu isku-filnaansho gaadhay oo fursad u siinaya inay helaan taageero sharci oo heer-caalami ah.
Sida warbixinta lagu sheegay, In kasta oo aanay shirka ka soo bixin go’aamo loo midaysan oo la xidhiidha sidii loogu ololeyn lahaa in dhinaca shuruucda Caalamiga ah laga taageero waddamada ku guulaystay hirgelinta nidaam dawladeed oo dhiirri-gelinaya daneeyeyaasha adduunka, haddana waxa si laysku raacay in laga dhiirri-geliyo wada-xaajoodyo heer caalami ah oo ay ka qayb-qaataan Siyaasiyiinta, Khubarada ku xeel-dheer shuruucda caalamiga ah iyo kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bani’aadamka, si loo abuuro nidaam Sharci oo dhiirri-gelinaya in la taageero aayo-ka-tashiga boqolaal milyan oo adduunka ku nool, iyada oo loo marayo shuruucda Caalamiga ah.
Natiijada waxyaabaha ka soo baxay shirka, ayaa la sheegay in la soo bandhigi doono maalmaha soo socda.
Laba bilood ka hor, ayaa shir noocan oo kale ah lagu qabtay magaalada Brussels ee waddanka Belgium, balse waxa shirkaas goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay wefti xukuumadda Somaliland iyo bulsahda rayidka ah ka socday.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment