
Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo markii uu soo idlaaday kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga dhex-maray Saxaafadda la hadlay, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka Weftigan, waxaanu sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo Weftiga dhex-maray ahaa mid muhiim ah oo qodobbo doorashada iyo xidhiidhka khuseeya ay kaga wadahadleen.
“Waxaa maanta (shalay) farxad noo ah Madaxweynaha oo halkan kula kulmay Wefti ka socda Ingiriiska iyo Midawga Yurub oo laba cisho magaalada innala joogay. Weftigaasi waxyaabo badan ayay Madaxweynaha ka wadahadleen, Shirkuna si wanaagsan ayuu noogu dhacay, waxaanannu u mahad-naqaynaa Weftiga na soo bookhday.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.
Sidoo kale, Xubnaha Weftigan Safiir Ku-xigeenku hoggaaminaysaa waxa uu la kulmay Shir-guddoonka Golaha Odayaasha Somaliland ee Guurtida. Shirguddoonka Guurtida ayaa Saxaafadda u sheegay in Weftigu weydiiyay in doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso iyo in kale, isla markaana ay iyagu isku dhaafiyeen dhinaca Guddiga doorashooyinka oo hawlaha doorashada shaqadoodu tahay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, ayaa Saxaafaddu wax ka weydiisay waxa ay Weftiga ka wadahadleen, waxaanu yidhi; “Weftigani Su’aal uun bay na waydiiyeen, su’aashuna waxay ahayd wakhtiga doorashooyinka, waxaanay na waydiiyeen inay doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacayaan iyo inay ka dib dhacayaan. Jawaabta aannu siinnay waxay ahayd; ‘doorashooyinka waxaa ku shaqo leh Komishanka Qaranka iyagaana go’aamiya wakhtiga ay qabsoomayso.”
Waxa uu ku dooday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidu in Weftigan ka socday dalalka Midawga Yurub ee Safiir Ku-xigeenka Ingiriiska u fadhida Addis Ababa hoggaaminaysaa, si dhaw ula socdo xaaladda Somaliland, isla markaana ay ka war-hayaan in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu wakhtigoodii ka dib dhacayaan oo aanay ku qabsoomaynin, maaddaama oo ay dunidu tahay mid inta badan iska war-haysa.
Guddiga doroashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lixdii bishan shaaca ka qaaday in diiwaangelinta cod-bixinta doorashooyinka ay bilaabayaan bisha toddobaad ee sannadkan, isla markaana hawsheeda dhammaystirayaan bisha 11-aad ee isla sannadkan. Taasoo caddaysay dib-u-dhaca doorashooyinka, maaddaama oo ay muddada xil-haynta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladu ku dhammaanayo 26-ka June ee sannadkan 2015-ka, sharciguna dhigayo inaan diiwaangelin la’aan doorasho la geli karin sida lagu caddeeyey Xeerka doorashooyinka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) oo xiganayey dhawaaqa Guddiga doorashooyinka, ayaa Sabtidii toddobaadkan khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah oo uu ka hor-jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlmaan ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa, ku sheegay in Guddiga doorashooyinku muujiyeen in dib u dhac ku imanayo wakhtiga doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, balse ay Xukuumad ahaan ku dedaaleen dhammaystirka waxyaabihii looga baahnaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment