Wednesday, April 1, 2015

Xeer Ilaaliyihii Magaalada Istanbul ee Turkiga Oo Kooxo Hubaysani Qudha Ka Jareen

groStanbul:April,01,2015(Himilo)-Kooxo Hubaysan oo Tiradooda lagu sheegay laba nin, ayaa Afduub ku qabsaday Xeer Ilaaliyihii Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ka hor intii aanay dilin.

Raggan hubeysan ayaa xarunta Maxkamada Istanbul galay iyagoo iska dhigay qareeno, waxayna gudaha u galeen xafiiska Xeer illaaliya iyagoo afduubay.

Ciidamada amniga ayaa isku gadaamay xafiiska Xeer illaaliyaha waxaana halkaasi ka socday gogortan muddo 6 saac ah.

Balse afduubka ayaa soo afjarmay kadib markii ay ciidamada xoog ku galeen xafiiska xeer illaaliyaha, is rasaaseynta halkaasi ka dhacday ayey ku dhinteen raggii hubeysnaa iyo waliba xeer illaaliyaha oo lagu magacaabo Mehmet Selim kaasi oo dhaawaca u dhintay markii cisbitaalka la geeyey.

Kooxda weerarkan ka danbeysay ayaa la sheegay inay doonayeen inay xeer illaaliyaha ka qaadaan magacyada askarta booliiska ee loo heysto dilka wiil dhalinyaro ah oo ku dhintay banaanbaxyo dowlada looga soo horjeedo oo dalkaasi ka dhacay 2013.

Dableydan ayaa xubno ka ahaa xisbi laga mamnuucay dalkaasi Turiga oo ah Shuuciyiinta xagjirka ah.

Arrintan, ayaa cabsi ka abuurtay dalka Turkiga, waxana wax la iska weydiinayaa sababta keentay in Xeer ilaaliyaha lagu soo weeraro xafiiskiisa, isla-markaana lagu dilo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment