Sunday, July 5, 2015

Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Soomaaliya oo loo doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed

Cadaado, 05 July, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka cusub ee Mudug iyo Galguduud ee badhtamaha dalka Soomaaliya, ayaa loo doortay inuu noqdo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa Musharrixiintii u tartamayey jagadaas, waxaanu Sabtidii shalay si rasmi ah ugu guulaystay xilkaas, kaddib markii uu wareeggii saddexaad ee doorashada uu kaga guuleystay Musharrixii ay isugu soo hadheen wareeggaas oo ahaa Axmed Macallin Fiqi.
Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa helay codadka 49 Xildhibaan, halka Musharraxa la Tartamayay uu helay codadka 40 Xildhibaan oo ka mid ahaa Xubnihii codadkooda dhiibtay, waxaana intii ay tirintu socotay ay mar qura Mashxaradi ka yeedhay Hoolka codaynta doorashadu ka socotay, ka dib markii 45 Cod uu gaadhay Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Natiijada doorashada Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug, waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug, isagoo xusay in Cabdikariin Xuseen Guuleed uu kusoo baxay doorashada Madaxnimo ee Maamulka Galmudug, ka dib markii uu helay 49 Cod.
Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa waxaa ku tartamayay 6 Musharrax, kuwaasoo saddex ay ku hadheen wareeggii koowaad, halka Musharrax 4-aad ku hadhay wareeggii labaad, sidoo kalena uu Musharrixii shanaad-na ku hadhay wareeggii saddexaad ee tartanka doorashada, kaasoo uu ka guulaystay Cabdikariin oo hadda ah Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug iyo Galguduud oo magaca loo qaatay yahay Galmudug.
Madaxweynaha la doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa lagu dhaariyay isla goobta doorashadu ka dhacday Shalay, waxaanu dhaarintiisa ka dib halkaas ka jeediyey Baaqyo ugu diray Maamul-goboleedka Puntland iyo Culimada Ahlusunna Waljamaaca oo labadooduba ka soo horjeeday dhismaha Maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.
“Waxaa Maamulkeennu uu kula dhaqmi doonaa Walaalaha Puntland daris-wanaag, iskaashi iyo in gacmaha oo la is-qabsado, si aan dalkeenna wada-jir ugu dhisno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Cusub ee Maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo halkaas ka sheegay inaanay jirin dhibaatooyin uu Maamulkoodu u geysan doono Maamullada kale, balse wada-shaqayn iyo deris-wanaag ay kula macaamili doonaan.
Madaxweyne Guuleed, ayaa Ahlusunna Waljamaaca ugu baaqay inay soo dhaweeyaan Maamulkoodan cusub, isla markaana ay iskaashi iyo wada-shaqeyn la yeeshaan, isagoo aan faahfaahin intaas ka badan bixin. Waxaana Madaxweynahan hambalyeeyey Musharrixiinta ay wada-tartamayeen ee uu jagadan kaga guulaystay.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, ayaa isna loo doortay Maxamed Xaashi Cabdi oo isla goobta lagu doortay lagu dhaariyay, waxaanu hadal uu jeediyay ku sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta deegaanka iyo sidii Maamulku uu hawlaha horyaalla u fulin lahaa.
Madaxweynaha la doortay ee Galmudug oo ay si aad ah isugu dhaw yihiin Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Siyaasad ahaan iyo Saaxiibtinnimo ahaanba, ayaa xilalka Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya ka soo noqday Xukuumadihii Raysal-wasaare Saacid iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ee xilkaas soo qabtay intii Xasan Sheekh Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, inkastoo uu sannad ka hor iska casilay xilka Wasiirka Amniga, ka dib markii ay dhaceen weerarro khasaare badan dhaliyay oo ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo weliba xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Waxa ay doorashada Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug kaga duwanayd doorashada Maamullada kale ee Soomaaliya ka jira inay doorteen Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas loo doortay toddobaadkii hore, halka ay Maamullada kale Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka soo doorteen markii dhismahooda la bilaabay Ergooyinka Shirka lagu dhisayey.
Hase-yeeshee, waxa ku xeeran Cabdikariin caqabado badan oo isugu jira kuwo siyaasadeed, khilaafyo, horumar looga baahan yahay iyo duruufo kale oo dhammaantood u baahan inuu sida ugu habboon u waajaho, kuwaasoo ay ugu horreeyaan kacdoonka siyaasadeed ee ay ku wadaan Maamul-goboleedka Puntland oo si weyn uga soo horjeeda dhismaha Maamulkan cusub iyo sidoo kale Culimada Ahlusunna Wal-jameeca.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment