“Basaska iyaguna qaada Ciyaala-Iskuulka waxaan farayaa in ay iyaguna la denbi yihiin, Baabuurta Jaadka qaada Sharciga Gaadiidka qabanaya ayaa dhammaantood qaban doona haddaanay….” Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan
Hargeysa, 05 July, 2015 (Himilo)- Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa amarro cusub ka soo saaray Xawaaraha Socodka Baabuurta kala duwan, ka dib markii sida uu sheegay bishii u dambaysay oo keliya ay dalka Somaliland ka dhaceen 257 Shil Gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawacyaba.
Taliyaha Boolisku waxa uu sheegay in Gadiidka bilihii u danbeeyay ku dhacay Gudaha somaliland ayaa taliyuhu ku sheegay in ay tiro Ahaan Dhan yihiin 257 Halka dhimashada ka dhalatayna ay yihiin 19 taas oo keentay in feejignaan xoogan laga muujiyay.
“Xeerku waxa uu tilmaamayaa inuu Darawalku ilaaliyo Shuruucda waddooyinka gudaha iyo dibebadda si uu u sugo ummadda uu masuulka ka yahay ee Rakaabka ah, Gaadiidka aannu farriinta u diraynaa waa Gadiidlayda Somaliland oo dhan, Xawaaraha Gaadiidka ay waddooyinka magaalada dhexdooda ku marayaan waa 30-Kiiloo-mitir,Ciidanka Nabad Galiyada waddooyinka waxaan farayaa in ay ku dhex kaantarool magaalooyinka dhex-dooda. Qofkii u hoggaansami waaya Sharciga Horgeeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Fadal.
Waxaanu Cabdillaahi Fadal intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Marka ay magaalada ka baxaan Gawaadhidu ee gobollada ku socdaan waxa ay ku socon karaan 80-KM, Gawaadhida waawayn waxa ay iyana ku socon karaan 60-Kiiloo-Mitir. Xeerka Nabadgelyada waddooyinkuna waxa ay sheegayaan in ay liisamada oo u kala baxa A, B iyo C, ee Gawaadhida yaryar inaanu ku kaxayn karin Gawaadhida waawayn, Xeerka ayaa diidaya waana mid lagula Xisaabtamayo oo lagu kaan-tarroolayo Sharcigana lagu waafajin karo.”
Taliyaha Booliska Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in Shilalka Baabuur ee bishii ugu dambaysay ka dhacay guud ahaan dalka Somaliland marka la isu-geeyay ay noqdeen 257 Shil, isla markaana ay ku dhinteen 19 qof, halka dhaawacyo intaas ka badan iyo burbur Hantiyeedna ay jiraan.
Waxa uu Taliye Fadal oo Farriin u diraya Wadayaasha Baabuurta kala duwan uu yidhi; “Turusyadan loo sameeyay Gaadiidka khataro badan ayuu leeyahay, kumana koobnaan doonto Booyadaha iyo Iska-rogooyinka oo kaliya, waxaan la hadlayaa dhammaan Baabuurta leh Turuska oo dhan. Waxaan halkan digniin uga dirayaa Gaadiidlayda Basaska laba Shayba waa inaanu Biriigga uun qaban si aanay khatari ugu iman Rakaabka Gaadhiga inta badan albaabkoodu waxa uu soo xigaa xagga waddada, Basaska iyaguna qaada Ciyaala-Iskuulka waxaan farayaa in ay iyaguna la denbi yihiin, Baabuurta Jaadka qaada Sharciga Gaadiidka qabanaya ayaa dhammaantood qaban doona haddaanay sharciga u hoggaansamin.”
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment