Sheekh, 04 July, 2015-(Himilo)- Allaah ha u naxariistee saddex Marxuum, ayaa ku geeriyooday Shil Baabuur oo shalay ka dhacay duleedka Tuulada Galoollay oo ka tirsan degmada Sheekh, halka uu hal qofna ka badbaaday, iyagoo saddexda Ruux ee Shilkaas ku nafwaayey yihiin Wiil iyo Gabadh Walaalo ah iyo Hooyadood.
Dadkan ku geeriyooday Shilka Baabuur waxay kala ahaayeen Guddoomiyihii Shirkadda Basaska ee Salaama Saleebaan Cumar Qaalib, Walaashii Xamda Cumar Qaalib iyo Hooyadood Faadumo Warsame, kuwaasoo la sheegay inuu ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa oo ay isla shalay gelinkii hore ka soo degeen, iyagoo ka yimi waddanka Malaysia, wakhtigan shilku dhacayna ku sii socdeen magaalada Burco.
Taliyaha Booliska degmada Sheekh ee gobolka Saaxil Ammiin Maxamed Cabdi, ayaa sheegay inuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee markii shilkaasi dhacay goobta uu ka dhacay gaadhay, isagoo xusay inuu shilkaasi si fool-xun u dhacay, isla markaana uu Tacsi u dirayo Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka baxeen saddexdaa Marxuum-ba in Allaah Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna ALLAAH Naxariistiisa Janno ka waraabiyo.
Waxa uu Taliyaha Booliska Degmada Sheekh intaas ku daray in Alaabtii gaadhiga laga soo dhex-guray ee ay Qoyskaas Shilka Baabuur ku geeriyooday wateen iyo Meydadkoodiiba uu ku wareejiyey Eheladooda oo markii shilku dhacay ka dib uga soo gurmaday dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay ku socdeen marka hore-ba. Waxa uu xusay Taliyuhu in Shilkani yimi ka dib markii uu dhacay Gaadhi Toyota Surff (Seeraf) ah oo ay wateen. Waxaana Meydadka saddexda Marxuum loo qaaday dhinaca magaalada Burco.
Shilalka Baabuurta ee ka dhaca waddooyinka Gaadiidka ee dalka Somaliland, ayaa bilihii u dambeeyey u muuqda kuwo soo badanaya, iyagoo ka dhasha isku dhac ay isku dhacaan Gawaadhidu markay jidka isku dhaafayaan iyo kuwo inta badan Xawaare sare iyagoo ku socda dhaca ama qallibma.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment