Saturday, July 4, 2015

“Waan ku faraxsanahay inuu Qoyska (Madaxweynaha) ka qabo… Aniga ayaa Magacaabistiisa soo jeediyey... markaa maaha in…” Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka hadlay magacaabista Safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil
Hargeysa, 04 July, 2015-(Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa caddeeyey inuu isagu soo jeedinta magacaabistiisa Safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta u fadhiyi doona Somaliland Baashe Cawil door ku lahaa, isla markaana u gudbiyey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, waxaanu ku dooday inay khalad tahay in Xaqiisa Dastuuriga ah ee Muwaaddinnimo lagu duudsiiyo Qoyska Madaxtooyada oo uu Xidid la yahay.
Wasiir Maxamed Biixi, ayaa sheegay inaanay xaq ahayn haddii Berri Inanka uu dhalay shaqo ka qabto dalka in lagu duro Wasiir, ayaa dhalay, Baashe Cawilna uu ku kalsoon yahay inuu ka soo bixi doono masuuliyadda loo magacaabay ee Safiirnimo. Waxa Wasiirka arrimaha dibeddu uu ka hadlay magacaabista Baashe Cawil ee Wakiilka dalka Imaaraadka Carabta oo Warbaahintu aad wax uga qortay, dadka qaarkiina dhalliileen.
“Baashe Cawil Cumar, aniga ayaa magacaabistiisa u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland, sababtoo ah waa Muwaaddin Dastuuriyan xaq u leh inuu sida qof kastaa u shaqeeyo. Waa qof aan anigu shaqsiyan aqaanno, dawladdan horteedna aqaannay, aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay hawshaa loo magacaabay ee uu ila shaqeynayo inuu ka soo baxo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan qabaa inuu Cilmigeedii iyo Aqoonteedii leeyahay waxyaalo farabadan oo dadka iyo dalku ku faani karaan ka qaban karo Masuuliyadda loo dhiibay, ee aanu ceeb iyo wax kalena u soo jiidi doonin. Waxaan ku doortay waa aqoontiisa, kartidiisa, waanan ku faraxsanahay inuu Masuuliyadda iga aqbalay, Madaxweynuhuna sidoo kale iga aqbalay soo jeedintii magacaabistiisa.”
Mar la weydiiyey Wasiir Biixi, inay jirto sabab magacaabista Baashe Cawil kaga duwan tahay Wakiillada kale ee Somaliland ku qaabbilsan waddamadda caalamka, waxa uu ku jawaabay; “Waxa muhiim ah in la garto in qof kasta oo Muwaaddin Somaliland ah xaq u leeyahay in loo magacaabo Masuuliyad uu ka soo bixi karo, qofka xaqiisa dastuuriga iyo xuquuqdiisa laguma duudsiyi karo Reer hebel ayuu ka qabaa iyo waa Reer Hebel. Baashe Cawil in lagu dhalliilo maxaa loo magacaabay Reer hebel ayuu ka qabaa, waxaan u arkaa khalad. Berri haddii Inanka aan dhalay ee Jaamacadaha waaweyn ka soo baxay shaqo la siiyo maaha in la yidhaahdo Wasiir ayaa dhalay.”
“Waan ku faraxsanahay inuu Qoyska (Madaxweynaha) ka qabo (Baashe), waa reer akhyaar ah, oo sharaf innaga mudan, markaa maaha in xaqiisa lagu duudsiyo reerka uu ka qabo, laakiin waa in lagu qiimeeyo kartidiisa iyo aqoontiisa iyo waxa uu waddanka ku soo biirinayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi siiyey Telefeshinka Qaranka Somaliland ee dawladdu Maamusho.

Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment