Thursday, October 1, 2015

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ku baaqay in Tartanka Hirdanka badani ka taagan yahay ee Musharraxa KULMIYE noqdo mid Xalaal ah oo loo Siman yahay

 

 

“Waa in la helaa Tartan Xalaal ah oo loo Siman yahay oo Walaaltinnimo…Marka Tartanku furmo qofka 1-aad ee taagan baan ahay Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE…”

“Hore waxaan u sheegay inaanan isla taagayn Musharraxa Madaxweyne-nimo Madaxweynaha dalka Mudane Axmed-Siilaanyo haddii mar labaad uu isu soo taago, go’aankaasi..” Cabdicasiis Maxamed Samaale

Hargeysa, 1 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in loo baahan yahay in tartan xalaal ah oo loo siman yahay oo walaalnimo uu noqdo tartanka ka dhici doonta Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo loo muddeeyey bisha soo socota ee November 2015 tobankeeda, isagoo sheegay inuu yahay Musharrax ugu tartami doona shirkaas jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga dhexdiisa oo Rag badan oo kalena sheegeen inay u taagan yihiin.

Cabdicasiis Samaale oo aan Saxaafadda arrimo siyaasadeed iyo kuwo kale toona kaga hadal ka dib markii uu iska casilay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay bilawga Bishii March ee sannadkan 2015-ka oo uu Wasaaradda Maaliyadda ka beddelay, waxa uu markii u horreysay shalay ka hadlay hankiisa siyaasadeed iyo hirdanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE ka dhex-taagan.

Samaale oo shalay la hadlay Telefiishanka Star ayaa sheegay in aanay waxba iska beddelin hankiisii ahaa Musharraxa Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE ka dib Madaxwayne Siilaanyo, sidaa daraadeedna uu u tartamayo jagadaasi marka shirka Golaha dhexe la gaadho, haddii Madaxweyne Siilaanyo aanu tartamaynin oo uu meesha ka baxo. Waxa uu xusay inuu leeyahay taariikh siyaasadeed oo fiican oo kalsooni badan ku abuurtay. Samaale waxa uu ku taliyey inaanu tartanku noqon mid Xisbiga dhib ku keena, ee la ilaaliyo damaca iyo jiritaanka Xisbiga.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn ka hadlaya sababihii uu Saxaafadda uga aamusnaa tan iyo markii uu iska casilay xilkii Wasaaradda waxbarashada ee Madaxweynuhu u Magacaabay, ayaa yidhi; “In dhawayd waan iska dhawray ka hadalka Warbaahinta, sababtuna waxa weeyaan qofku marka uu sii daayo xilkii uu hayey waxa inta badan loo bartay in halkii uu xilka ka hayey uu dhalliilo, ceebeeyo ama wax ka sheego, laakiin anigu qof sharaftiisu ta ka weyn tahay baan ahay.”

Samaale waxa kale oo uu beeniyey inuu ka tanaasulay hankiisa Musharraxnimo ee xisbiga KULMIYE. “Hankaygii Musharraxnimo ee xisbiga KULMYE ee Madaxwayne Siilaanyo debadii waa sidiisii, waan sharaxanahay oo waan tartamayaa marka tartankaasi furmo, markaa waxaan u sheegayaa Golaha dhexe iyo taageerayaashayda in aanay waxba iska beddelin sidii aynu isku ogeyn, aniga aamuskayguna wuxuu ahaa tartankaa aan bilaaban awgeed.” Sidaa ayuu yidhi Samaale. Waxaanu intaas sii raaciyey; “Waxaan soo dhaweynaynaa muddeynta la muddeeyay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE.”

“Xisbiga KULMIYE waa Xisbi ballaadhan, waa Xisbi wayn oo ay isugu yimaaddeen dad badan oo damac siyaasi ah leh. Illaa bilawgii waxaan ka mid ahaa dadkii Madaxweynaha Maanta ee Qaranka Xisbiga la aasaasay, waxaan ka mid ahaa dadkii laf-dhabarta u ahaa ee wax ka soo dhisay Xisbiga KULMIYE, dadkii aannu aasaaska Xisbiga ka wada qayb-qaadannay aasaaskiisa oo uu ugu horreeyo Xoghayihii guud ee u horreeyey Daa’uud iyo dad badan oo kale, oo qofba meel kaga soo biirayey, qofba marxalad kala soo qayb-qaadanayey.” Sidaa ayuu yidhi Samaale. Waxaanu sheegay inuu Guddoominayey Shirweynihii ugu horreeyey ee Kulmiye iyo kii labaad-ba.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay ujeeddada hawshaas iyo dedaalkaas KULMIYE uu u soo galay ahayd in Xisbigu guulaysto, mustaqbalkana damiciisa ku soo bandhigo, waxaanu yidhi; “Maantana waxaan u taaganahay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE inaan u tartamo xilliga tartankaasi furmo. Waxaan soodhawaynayaa cid kasta oo hammigaas iyo damacaas leh, tartan walaalnimo, saaxiibtinnimo iyo gacalnimo inuu dhaco, dabadeedna cidda ku guulaysata lagu dhiso inuu dhaco ayaan diyaar u ahay, waana in la helaa tartan xalaal ah oo loo siman yahay oo walaaltinnimo.”

Mar uu Samaale ka hadlayey hadal uu hore ugu sheegay in aanu isla sharrixi doonin Madaxweyne Siilaanyo haddii uu tartamayo mar labaad, waxaanu yidhi; “Hore waxaan u sheegay inaanan isla taagayn Musharraxa Madaxweyne-nimo Madaxweynaha dalka Mudane Axmed-Siilaanyo haddii mar labaad uu isu soo taago, go’aankaasi halkii buu iga yaallaa, sidaan u idhi weeye. Marka-se taasi ay bannaanaato ee tartankaasi furmo qofka koowaad ee taagan baan ahay. Dadka saaxiibbadaya ee iyaguna hankaas leh waan ku soo dhawaynayaa, waxaanan leeyahay waa ciyaar, waa tartan, kubbaddana sida loo kala xariifsan yahay ayuun baa loo kala badiyaaye, tartanka siyaasaddana sida loogu kala nasiib badan yahay ayuun baa loogu kala badin doonaa.”

Waxa uu Samaale sheegey inuu kalsooni badan isku qabo, isla markaana kalsooni taas la mid ah uu Bulshada Somaliland ku qabo, isla markaana uu hore Allaah ugu guuleeyey tartankii doorashada Golaha Wakiillada, isla markaana ku guulaystay in Shir-guddoonka ku-xigeenka koowaad loo doortay, sidoo kalena Allaah uu ku asturay intii uu joogay Wasaaradda Maaliyadda, sidaas awgeedna uu haysto CV uu ku meel-mari karo, Shacabkuna u ogyihiin. Waxa kale oo uu sheegay Samaale in marta tartanku bilaabmo nin waliba waxa uu Bulshada ka iibinayo soo bandhigi doono.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment