
Afhayeenka Ururka Cali Dheere oo ka hadlayay Idaacadaha ku hadla afka Kooxda, ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilkaas oo sida uu sheegay ay ku fuliyeen weerar gaadmo ah.
Sh. Cali Dheere waxa uu sheegay inay muddo dheer ku hawlanaayeen dilka lagu khaarajiyey sarkaalkan taas oo ka dhigan weerarkaasi in uu ahaa mid qorsheynaa.
Taliyaha la khaarajiyey ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga tuulada Yalho isagoo kusii jeeday Galgala kana soo baxay magaalada Bosaaso.
Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalkaasi Soomaaliya oo fadhiisimo ku yeeshay gudaha maamul-goboleedka Puntland, ayaa tiraba dhowr jeer sidan oo kale u khaarajiyey masuuliyiin ka tirsan maamulkaas, kuwaas oo inta badan lagu fuliyo weerarro qorshayn.
Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland, ayaa dagaal kula jira Kooxda Al-Shabaab oo fadhiisimo kua samaysatay Buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo muddooyinkii u dambeeyey bartilmaameed u noqotay inay isku urursadaan dagaal-yahannada kooxdaas ka tirsan ee firxadka kaga yimaadda deegaannada Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ee ay ka soo saaraan ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee dalkaas ku sugan.
No comments:
Post a Comment