“Lacagta ay Wasaaradda Maaliyaddu Baanka ku soo xaraysana iyadaa ka masuul ah soo xaraynteeda, dib-u-dhac iyo habsanna…” Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland
“Wasaaradda Maaliyaddu markay Lacagta qabato saacadda ay doonto ayay Bangiga u geysaa ee ay isleedahay Lacagtaasi xilligaas ayay munaasib ku tahay…” Wasiirka Maaliyadda Somaliland
Hargeysa, 26 March, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya iyaga iyo labada Hay’adood ee ay dawladda Masuulka uga yihiin toona, isla markaana waxay ku doodeen inaanay jirin wax carqalad ah oo ku yimi wada-shaqayntooda, ka dib markii ay maalmihii u dambeeyey Warbaahintu faafinaysay inuu jiro khilaaf dhexdooda ah oo sababay in Dakhli-maalmeedkii Baanka lagu xarayn jiray aanay xaraynin Kastammada Kala-baydh iyo Berbera ee Maaliyaddu.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in culustahay shaqada ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe, hase-yeeshee aanay jirin wax wada-shaqayntooda iska beddelay. Isaga oo Wasiirku ku dooday in khilaafka la baahiyey inuu u dhexeeyo isaga iyo Madaxda Baanka ay tahay wada-shaqayn lagula dagaallamayey Sicir-barar ku yimi qiimaha Sarrifka Doollarka oo si kale looga faa’iidaystay.
“Bangiga Somaliland iyo Wasaarada Maaliyaddu waa isku shaqo, shaqo isku mid ah bay u hayaan oo Qarankay u hayaan. Waa laba Hay’adood oo u qaabbilsan Qaranka arrimaha Maaliyadda. Wada-shaqayn wanaagsan baa ka dhaxaysa Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda, haba-yaraatee maalin maalmaha ka mid ah oo ay wax isla diideen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu ma jirto, meesha shaqo taallo culays baa yaalla oo duruuf baa taalla oo waad ogtihiin. Waxaan maqlaayey maalmo dhawayd tiiyoo la leeyahay Wasaaradda Maaliyaddu lacagtii Bangiga lagu xarayn lahaa ayaanay ku xaraynin, arrintaa waxba kama jiraan, Lacagtaasi Bangigay ku xarootay oo lagu xareeyey. Wasaaradda Maaliyaddu markay Lacagta qabato saacadda ay doonto ayay Bangiga u geysaa ee ay isleedahay Lacagtaasi xilligaas ayay munaasib ku tahay, lacagtaasina Bangiga ayey taallaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Isla hagaajin iyo la-dagaallan sicir-bararka ah oo Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu ka wada socdeen ayaa jiray oo runtii Doollarkaa in yar kor u kacay oo waad la socotaan. Markaa, Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu way ka wada shaqaynayeen sidii aanay taasi u dhacdeen ee hoos loogu soo celin lahaa, waanannu ku guulaysannay oo hoos buu u soo noqday, waanan rejaynaynaa inuu hoos u sii socdo. Xilka intiisa badanna la-dagaallanka Sicir-bararka waxaa xilkiisa si gaar ah u leh Bangiga, annagoo runtii annaguna kala shaqayna. Saamayn bay ku leeddahay Wasaaradda Maaliyaddo oo haddii dee Lacagtu innagu kacdo oo Doollarku innagu kaco Qaranka oo dhan bay saamayn ku leedahay.”
Mar uu Wasiir Samaale ka hadlayey saamaynta ka dhalan karta Sicir-bararka Doollarka waxa uu yidhi; “Adduunka waad ogtihiin oo maanta waa Tuulo Saamayn buu isku wada leeyahay, oo Ascaarta adduunku saamayn bay isku wada leedahay, waana wax dhaca, Lacagteennuna aad bay u deggan tahay inta badan Runtii. Waxaan jecelahay inaan idiin bayaamiyo oo aan halkan ummadda uga sheego wax isfaham-waa ah oo Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda ka dhexeeyaa haba-yaraatee ma jiro.”
Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlaya nooca tallaabooyinka ay wada qaadeen Baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu, waxa uu yidhi; “Laakiin, tallaabooyin Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu iyagoo wada-socda qaadeen oo ay doonayeen inay ku xakameeyaan inaan Sicirka Doollarku kor u kicin. Waxaa ka mid ahaa tallaabooyinkaa ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu wada qaadeen in Cashuurta lagu bixinayo goobaha Kastammada haddii awal qofku Jeeg la tagayey ay dhacdo inuu qofku Kaash u geeyo, si Kaashkaasi u noqdo mid maamulkiisa iyo la-dagaallanka Sicir-bararka aannu u arkaynay runtii siyaasad lagula dagaaallami karo, waxna way ka suuragaleen oo maalintii ay hawshaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu wada bilaabeen halkii uu marayey aad buu maanta uga hooseeyaa, waanannu rejaynaynaa Bangigu inuu ku guulaysan doono inuu halkaas hoos uga sii socon doono qiimo-bararka Doollarku.”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maaddaama oo aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda waxa dibedda u soo saaray wararka sheegaya khilaafkooda, waxa uu yidhi; “Meesha shaqo taal hawl baa taal……Hal Shay oo Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangigu si uga wadahadleen oo ah aynu halkaa wax ka hagaajinno oo runtii sax ah, markaa wadahadalkaas ayaa laga yaabaa in dad kale si kale iyo fasilaad kale ka bixiyaan. Hase-yeeshee, ma jiro wax khilaaf ah oo Baanka iyo Maaliyadda u dhexeeyaa ee waannu wada-shaqaynaa, shaqadana waannu isku ixtiraamnaa.”
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey dhiniciisa waxa ka jira khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiirka Maaliyadda, isla markaana sababay inay Wasaaradda Maaliyaddu Baanka ku xarayn waydo Dakhli-maalmeedka dhawrkii cisho ee u dambeeyey ay qabteen Kastammada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Kala-baydh iyo Berbera, ayaa ku dooday inaanu jirin wax khilaaf ah oo Guddoomiye ahaan iyo Wasiir Samaale soo kala dhex-galay, wada-shaqayntooduna ay si fiican u socotay oo aanay jirin wax caqabad ah oo dhex-yaalla wada-shaqaynta ka dhaxaysa Baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
“Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanku way wada shaqeeyaan, mana jiro wax khilaaf ah oo noo dhaxeeya Aniga oo ah Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, wararkaasna anigu ma garanayo meel laga keenay. Lacagta ay Wasaaradda Maaliyaddu Baanka ku soo xaraysana iyadaa ka masuul ah soo xaraynteeda, dib-u-dhac iyo habsanna wuu iman karaa, taasi waa wax caadi ah. Laakiin, wax khilaaf naga hakiyey ma jiro. Lacagtaasina maantaba (shalay) si toosa ayay ugu soo xaroonaysaa Baanka dhexe.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo ka jawaabayey su’aal uu Wargeyska Himilo ka weydiiyey arrimahaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment