Shirkad qaabilsan qareennada u dooda diyaaradaha oo fadhigoodu yahay magaalada Chicago ee Maraykanka oo wakiil ka ah qaraabadii rakaabka, ayaa shaacisay inay bilaabeen diyaarinta dacwada kuna xereynayaan maxkamada gonbolka Illinois.

Ms Kely ayaa sheegtay inaan helid la’aanta burburkii diyaarada iyo meydadkii rakaabku caqabad ku noqon doonin socodsiinta dacwadan, maadama ay hayaan kiisas hore sidan oo kale loo go’aamiyey.
"Waxaan hore ugu guulaysanay dacwado, aan diyaaradii, rakaabkii iyo xitaa sanduuqii madobaa aan la helin," ayey ka sheegtay Kuala Lumpur.
Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha Malaysiya ayaa xaqiijiyey inay xog-ogaal u yihiin dacwadan. "Garyaqaanada shirkada waa lala socodsiiyey dacwadan, wakhtigan, muhiimad akoowaad waa u fududeynta waxwalba iyo taageerada qaraabadii rakaabka iyo shaqaalahii geeryooday."
Mr Manuel Von Ribbeck oo u hadlay shirkada ka wakiilka ah qaraabada ayaa shaaciyey inay ku kalsoon yihiin ku guulaysiga dacwadan, sida sharcigu dhigayo, maadama aanay rakaabku khalad lahayn.
No comments:
Post a Comment