Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka joogtada ah ee golaha Wakiillada Md Ibraahim Mahdi Buubaa oo uu weheliyo Xog-hayaha Guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa maanta socdaal ku gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, halkaas oo lagu wado maalinta Berri ah in laga furo xafiiskii u horreeyey ee golaha Wakiillada ku yeesho gobollada Dalka.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada socdaalkooda Boorama, ayaa sheegay in Golahooda ku hawlan yahay inay dar-dar gelin ku sameynayaan isla markaana ay gobollada dalka ku ballaadhinayaan Hawlaha Qaran ee Golaha Wakiilladu u hayo Qaranka.
Munaasibad lagu daah-furayo Xafiiska Golaha Wakiillada ee gobolka Awdal, ayaa lagu wadaa in maalinta Berri ah lagu qabto guri loogu talo-galay inuu xarun u noqdo Xafiis-hoosaadyada Golaha Wakiillada ee gobollada dalka, halkaas oo ay ka hawl-gali doonaan Guddi Hoosaadyada kala duwan Golahaasi ka kooban yahay.
Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa la qorsheeyey inay noqoto magaalada labaad ee Golaha Wakiilladu xafiiskooda ka yaglooli doono, halka xarunta gobolka Togdheer ee Burco ay noqon doonto meesha saddexaad ee la qorsheeyey in lagu daah-furo Xafiiskooda saddexaad, iyada oo gobollada kale ee dalkana sidaas lagu dhammaystiri doono.
Xafiis-hoosaadyada cusub ee Golaha Wakiilladu ka hirgelinayo gobollada dalka, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay muddo kooban oo sannad ku beegan ka hadhsan yahay muddo-xileedka Aqalka Wakiillada Somaliland siddeed-sanno jirsaday, iyada oo tiraba dhowr jeer dib u dhac ku yimi doorashadii lagu beddeli lahaa Golaha immika jira oo muddo-kordhin loo sameeyey sannadkii hore.
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment