Sunday, March 16, 2014
Shaxda Saami-qaybsiga Beelaha ee Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE iyo Qaabka loo maray Xulashada tirada Beel waliba ka helayso
Hargeysa, 16 March, 2014 (Himilo)- Guddida Fulinta Xisbil-Xaakimka KULMIYE, ayaa la filayaa inay maanta si rasmi ah u ansixiyaan Tirada guud ee Ergooyinka ka soo qaybgalaya Shirweynaha Xisbigaas oo loo muddeeyey inuu qabsoomo 21-ka bishan March ee aynu ku jirno, waxaanay wararku sheegayaan Sagaal boqol iyo afartan iyo hal (941) xubnood oo noqon doona xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixin doono kulan la sheegay in maanta loo ballansan yahay.
Kulammo is daba-joog ahaa oo Xisbiga uga socday xaruntooda magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey, isla markaana Dood badan ka dhex dhaliyey Madaxda iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbigaas, ayaa la filayaa in Axadda maanta la soo af-jaro, isla markaana waxa la sheegay in Saami-qaybsiga Beelaha ee Ergooyinka Shirk aka soo qaybgeli doona la shaxeeyey oo loo qaybiyey sida ay wararka hor-dhaca ahi sheegayaan in la waafajiyey hab-beeleed iyo mid goboleed oo is-huwan oo Guddida qaban-qaabada Shirweynuhu soo bandhigtay, ka dib markii saami-qaybsigii hore ee Hoggaanku keenay sii kordhiyey khilaafka Xisbiga sida la sheegay.
Waxay wararka hor-dhaca ah ee laga helayo Xisbiga KULMIYE tibaaxayaan in Shaxda Saami-qaybsiga Ergooyinka ka soo qaybgalaya Shirweynaha KULMIYE ee la filayo in maanta la ansixiyo ay u dhigan tahay sidan:-
“1. Habarjeclo 206 xubnood
2. Habar-Awal 206 xubnood
3. Arab 113 xubnood
4. Gar-xajis 94 xubnood
5. Samaron/Ciise 160 xubnood
6. Harti 113 xubnod
7. Tol-jecle 19 xubnood
8. Ayuub 19 xubnood
9. Others 19 xubnood (Beelaha soo hadhay).
Isu-geynta tirada guud ee ay ka koobnaan doonaan Ergooyinka rasmiga ah ee ka soo qaybgeli doona Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo lagu qaban doono Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ay noqonayaan 941- xubnood, waxaana sida tirooyinka Beelaha marka laga tago Beel walba haddana ka sii heshay gobol kasta tiro cayiman oo ay ka soo baxday wadarta guud ee Beeluhu wax u qaybsadeen.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee KULMIYE, ayaa sheegay inay guud ahaan hawlihii cuslaa ee u diyaar-garawga Shirweynaha Xisbiga KULMIYE la dhammaystiray, isla markaana waxa ugu dambeeyey ee la sugayey ay ahayd qaybinta Ergooyinka ka soo qaybgeli doona Shirweynaha oo loo muddeeyey inuu qabsoomo 21-ka bishan March 2014 ee aynu ku jirno.
“Anigu Afkii Guddiga ku hadli maayo, laakiin anigoo shaqsi ah baan in yar oo warbixin ah idin siinayaa; ‘Immika labadii bilood ee u dambeeyey-ba hawlaha qaban-qaabada shirku way socdeen, illaa hadda meel wanaagsan bay wax noo marayaan, idinka laftiinnuna jewiga waad ka aragtaan inaanay jirin wax muran ah oo taagani, waannu axadhnay guud ahaan (dhammaystirnay), waxa noo hadhay uun waxyaabo aad iyo aad u yar-yar oo farsamo ah, diyaar-garawgii kale dhammaan waa la qaatay wixii la daabacayey ee boodhadhka, dhukumentiga, Xeerarka iyo wixii la mid ah ee la daabacayo, waxa keliya ee waxa yari qabyada naga ahaayeen waa ta qaybinta Ergada, taasna ugu dambayn hadday maanta nala dhaafto berri (maanta) nala dhaafi mayso.” Sidaa ayuu yidhi Xilhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo Warbaahinta hadal kooban siiyey shalay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere waxa uu sheegay inay saami-qaybisga Beelaha ee Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga ay ku saleeyeen saddexdii doorasho ee ugu dambeeyey ee dalka ka qabsoomay oo kala ah doorashooyinkii Golaha Wakiillada oo la qabtay 2005, tii Madaxtooyada oo qabsoontay 2010 iyo tii ugu dambaysay ee Golayaasha Deegaanka oo la qabtay 2012-kii, waxaanu xusay in haddii loo baahdo isku-celcelin la samayn karo qiimaynta guud ee ay ku saleeyeen Saamiga Beelaha Somaliland ay beel waliba ku yeelanayso Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu marar badan oo hore Shirkiisu dib uga dhacay xilliyadii loo qoondeeyey, isla markaana muddada loo cayimay in la qabto oo ku beegan 21-ka bishan March oo ay muddo toddobaad ka yiri innaga xigaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment