Hargeysa, 16 March, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana socod dhinaca Xeebta ah ayey ku sii mareen deegaanno kala duwan, waxaanu xalay u hoyday dhulkii Awoowyaasha oo ah deegaanka Maydh ee gobolka Sanaag.
Madaxweynuhu intii uu safarkiisa Xeebta ku sii jiray shalay waxa uu dhagax-dhigay Xarun Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland looga yagleelayo deegaanka Ceel-daraad oo u dhaxaysa Karin iyo Maydh, halkaasoo sida la sheegay la filayo in dhawaan dhismaheeda la bilaabi doono haddii Eebbe idmo.
Waxay Madaxweynaha iyo Weftigiisu xalay u hoydeen magaalada Maydh oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaasoo ay ku aasan yihiin Culimo badan oo ay ka mid yihiin Sheekh Isaxaaq, Sheekh Samaroon iyo Sheekhyo badan oo kale oo ka mid ah Culimada ay inta badan dadka Somaliland iyo meelo kaleba degaa ka tafiirmeen.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa maanta gaadhay magaalo xeebeeda laasqoray taasoo dadweynaha ku dhaqan magaalada laasqoray ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada laasqoray, madaxweyne siilaanyo iyo weftigiisu waxaanay kulamo la yeeshay waxgaradka laasqorey, waxaanu booqday cusbitaalka magaalada laasqoray, iyo dekedda kalluumaysiga ee laasqoray oo haatan xidhan.
Waa markii u horeysay tan iyo intii ay Somaliland jirtay uu madaxweyne Somaliland ahi booqdo magaalada laasqoray, intaasi ka dib madaxweyne siilaanyo iyo weftigiisu waxay u ambabaxeen dhinaca magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, oo ay ku beegan yihiin galabta inay gaadhaan iyadoo halkaasi ay kaga sii horreeyeen Gaadiidka dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa oo Sabtidii shalay gaadhay magaaladaas, isaga oo Madaxweynuhu goob-joog ka noqon doona bilawga dhismaha Jidkaaas oo uu sannadkii hore dhagax-dhigay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment