Brussels, 15 March, 2014 (Himilo)- Haweenay Arrimaha Gudaha u qaabilsan Midowga Yurub, ayaa la filayaa inay todobaadkan kulan kula yeelato magaalada Gothenburg Safiirka Somaliland u fadhiga dalka Sweden Ms Rooda Cilmi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub shalay, ayaa lagu sheegay in Ms Cecilia MALMSTRÖM maalinta Isniinta ah ee todobaadkan ay kulan kula yeelan doonto magaalada Gothenburg ee dalka Sweden safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Ms Roda Cilmi.

Inkastoo war saxaafadeedka Midowga Yurub aan lagu sheegay ujeeddada kulanka labada masuul iyo waxa uu ku saabsan yahay, ayaa dhinaca kale la sheegay in Ms MALMSTROM khudbad ka jeedin doonto kulan lagaga hadlayo siyaasadda Midowga Yurub iyo muhaajiriinta oo dalka Sweden ka dhici doona.Kulankan ayaa la filayaa inuu qeyb ka qaato baadidoonka Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo xidhiidho ay la yeelato bulshada caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub oo door muhiim ah ka ciyaara siyaasadda Caalamka gaar ahaan siyaasadda Soomaalida.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment