Tuesday, August 12, 2014

Chine Oo Hoos u Dhigtay Isticmaalka Dhuxusha Caasimadeedda lagu adeegsado

Bejin:Aug,12,2014(Himilo)-Dawladda dalka Chine ayaa shaaca ka qaadday inay hoos u dhigtay isticmaalka dhuxusha laga isticmaalo caaasimadda dalkeeda, sida ay baahisay wakaallada wararka ee Xinhua.

puluWarbixin lagu daabacay bogga Internetka ee Xinhua ayaa lagu xusay in Bilihii la soo dhaafay la isticmaalay Dhuxul aad u yar.

Madax ka tirsan Dowladda Shiinaha oo ka hadlay arintan ayaa tilmaamay in dadaalkani uu yahay mid lagu yareynayo Wasakhaynta Hawada ay leedahay Caasimada dalkaasi.

Waxayna tibaaxeen in sidoo kale la xidhay Warshado dhowr ah kuwa kalana loo wareejiyay magaalooyin ka baxsan magaallo madaxda dalkaasi ee Beijing.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa ku dhaqan dadka ugu badan Adduunka, Caasimada dalkaas ayaana sidoo kale noqonaysa magaallo buuq badan oo ay isugu tageen dad tira badan oo ay Adduunyo  mashquul badan.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment