Monday, August 18, 2014

Ergeyga Qaramada Midoobay Oo Ballan qaaday Inay Somaliland Ka Taageerayaan Nabada Iyo Horumarka

Hargeisa, (Himilo) 18 August 2014 – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka iyo isku xidhka Hay’addaha qaramada midoobay oo goor dhaweyd na soo gaadhay ayaa laga waramey ujeedada ahmiyada socdaalka uu ku yimid dalka Somaliland Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Nicholas Kay.

War-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaliya  Nicholas Kay ayaa saaka yimid Hargeysa, caasimadda Somaliland,wuxuna ballanqaaday in la kordhinayo taageerada Qaramada Midoobay.

 

Inta uu booqashada ku joogo Somaliland Nicholas Kay wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo wax qabadka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda, xasiloonnida,  iyo horumarka dadka reer  Somaliland.

 

“Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay samaysay horumar baaxad weyn taasoo ay Xukuumadda iyo dadkuba u qalmaanin si dhammeystiran loogu ammaano. Waan ka mahad celinayaa fursaddan la ii siiyey si aan u daraaseeyo qaabka loo sii kordhin karo loona xoojin karo wada-shaqayn dhexmarta UNSOM iyo maamulka Somaliland, taasoo dan u ah dadka” ayuu yidhi Md. Kay.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment