Saturday, August 16, 2014

Faysal Cali Waraabe oo qaabka looga jawaabay Heshiiska ay gaadheen Mucaaridka iyo Madashu ku tilmaamay mid muujinaya Siday Somaliland u Asqawday

“Waddo Qaran lagu dhiso ma hayno, dawladdu ma hayso, Siyaasiyiinta, Salaaddiinta iyo Shacabkuba ma hayaan, dantii la wada lahaa ee Qarankuna way luntay…” Eng. Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa, 16 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si mug leh uga hadlay xaaladda guud ahaan dalka Somaliland maanta marayo iyo fashilaado siyaasadeed oo uu sheegay inay hadheeyeen higsiga mustaqbalka Somaliland. Waxaanu sheegay inay Masuuliyiin ka kala tirsan Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka qaarkood ay si habaqle ah oo aan loo baahnayn uga jawaabeen go’aanka ay labada Xisbi Mucaarad iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu Hargeysa ku gaadheen Axaddii toddobaadkii hore.

faysal-cali-waraabeEng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Somaliland hoggaamiya maanta ay dembi oo aanu iska reebin ay dembi ka gelayaan da’yarta reer Somaliland ee u baahan in mustaqbal cad ay yeeshaan oo aan la lumin higsigooda, balse taas ay ku fashilantay Xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo uu Faysal sheegay inaan jidka maan ta la marayaa ahayn midkii lagu hanan lahaa Qaran lagu midaysan yahay, isla markaana dhabbaha cagta la saaray yahay mid u faa’iidaynaya Cadawga Somaliland.

“Somaliland waxa maanta horyaalla Mashaakil badan oo aan afar sano horteed oolli jirin, nidaamkii dawladnimo wuu baaba’ay, adduunkana waxa ugu daran marka uu nidaamku kaa baabba’o oo uu is dhex-galo oo aad ogaan waydo meesha uu ka socdo Maamulku, taasna waxa u daliil ah saddex cisho ka hor labada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wada-tashiga oo ah Odayaal reer Somaliland ah oo soo tabcay oo talo la socda, waxay soo saareen war, waxaanay yidhaahdeen haddii doorasho dhici waydo talo ayaa laysugu imanayaa oo Hay’addii ay ka dhammaato wakhtigii la doortay wakhtigiisa loo kordhin maayo oo nin saaqiday Hadiyad lama siiyo.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu Jimcihii shalay ka jeediyey Munaasibad ay ku qaabbileen Taageerayaal ku biiray Xisbiga UCID oo ka diga-rogtay Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waxaanu Faysal oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Waxay ahayd inay dawladdu soo kacdo oo ay hal af ku hadasho oo ay tidhaahdo waxaas waxba kama jiraan doorashana diyaar ayaannu u nahay oo Komishankii waannu samaynaynaa, lacagtiina waannu haynaa. Laakiin, toban ayaa jawaabay oo midiba meel ka qayliyey.”

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay halkii laga filayey keliya inay Xukuumaddu jawaab cad ka bixiso walaaca ay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madasha Wada-tashiga Somaliland ka muujiyeen doorasho wakhtigeeda lagu qabto iyo heshiiska ay Axaddii toddobaadkii hore WADDANI, UCID iyo Madashu wada-gaadheen, ay toban qof oo Hay’ado kala duwan ka tirsani si aan qurux badnayn oo habaqle ah uga jawaabeen.

“Midi waxa uu yidhi Komishanku ha soo mareen degmooyinka oo dhan hana soo caddeeyaan inay waddanka oo dhan doorasho ka dhacayso, kama dhacayso oo doorashaba dhici mayso ayuu yidhi, ninka taas leh waxa laga yaabaa haddii uu maanta kursigii waayo inaanu mar danbe Hargeysa u hoyan oo uu tegi doono meelihii uu ka yimid. Mid kale ayaa hadlay oo waxa uu yidhi; ‘waannaga diyaar lacagtii iyo Komishankii wax dhulka naga yaallaa ma jiro habeenna lagu dari maayo. Mid kale oo Shilin ka gelin Somaliland Raggii Kursiga uu ku fadhiyo siiyey ee u soo dagaallamay ee xalaaleeyey ayaa yidhi; ‘kuwaas Madashu Suuqa ayey fadh-fadhiistaan ee Maxaad kala hadlaysaan, Nimankii Kursiga u xalaaleeyey ayuu caayey cid looga ashkatoodaana ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Faysal Waxa uu sheegay in higsiga iyo himilada Qarannimada Somaliland halka ay maanta maraysaa ugu liidato, waxaanu yidhi; “Himilada Qarannimada Somaliland maanta ayey ugu daran tahay, waxaana ugu daran ummad habawday oo aan is ogayn, halka aynu marayno iyo halka la marayaa waa kala jaad, Somaliland waxa loogu dedaalay inaanay hirgelin muddadaas 23 sannadood ah, waxaana layna daba waday dhaawac Soomaaliya ah, kolba waxa loo samaynayey dawlad way bakhtidadaa haddana mid kale ayaa laynagu kiciyaa intaasna waxa la doonayey in Somaliland cagaha laga jaro oo la baabbi’iyo, maanta ayaanay ugu dhaw yihiin. Laakiin, ALLAHA inna bad baadin jiray wuu joogaa.”

“Waa taas maanta Sax-dheer lagaga dhawaqay Khaatumo State, waana taas af buuxa laynagu yidhi; ‘ka baxa Xuddun, ka baxa Taleex, waa taas maanta laynaga xidhay Xadkii Jabuuti iyo kii Ethiopia, waxaana hadhay oo keliya khiddadihii laynoo dhigayey oo la yidhaa Sool iyo Sanaag  waa dhul laysku haysto ee ka baxa oo dabadeedna la qabsado, qorhsihii lagu qabsan lahaana wuuu socdaa idinkuna ma ogodin.”  Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Mar uu Guddoomiyaha UCID ka hadlayey tabashooyinka Beelaha Somaliland qaar waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qalbiyada dadka la kasbado oo aan cidna xoog lagu haysan karin, waxaanu yidhi; “Khaatumo waa lala hadlayaa waana dadkeennii way cabanayaan, nin-na xoog laguma haysan karo, Soomaali oo dhan ayaa isugu keen tegtay oo xoog innagu haysan kari wayday, reer Laascaanood  xoog kuma haysan karno, qalbigooda waa inaynu helnaa oo aynu cabashadooda dhagaysannaa, waa inaan awoodda wax ka siinnaa. Laakiin, aniga ayaa kursiga fadhiyaya oo dhaqaalihii cunaya, taasi innagama meel mari-mayso.”

“Reer Somaliland Beesha dhexe waxaad mooddaa inay isku haysato qol madoow ayeynu isku habsaannay, xalkeennu maaha qabiil, xalka Somaliland waa caddaalad iyo in si wanaagsan wax loo kala qaybsado, awoodda iyo dhaqaalaha-ba si caddaalad ah loo wada qaybsado, inay cidi maqan tahay dawladi ma oga shacabna ma oga, inay cidi wax tirsanayso cid ogi ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Faysal.

Waxaanu Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Selel ayaa qaylinaysa, Awdal ayaa qalinaysa, Sool ayaa qaylinaysa, Sanaag Bari ayaa qaylinaysa, cid leh  maxaynu yeelnaa ma jirto, innaga ayaa wixii soo baxa u dheeraynayna oo u kala badsanayna, inanka ka yimaada Laas Caanood ama Badhan ee Hargeysa yimaada gaajo ayaa ku dilaysa, wasiir Fiican  oo lacag haysta ma helayo, ganacsi ma hayso, dhulkoodii wax lagama qaba, shaqo ma gaadhin, horu mar ma gaadhin, dadku muxuu idinkula joogayaa.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inaanay jidka ay Somaliland haysaa maanta ahayn kii lagu hantiyey Qarannimada, isla markaana dembi laga gelayo da’yarta mustaqbalka u baahan, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay Madaxweynaha iyo Shacabka sidan Qaran ku dhisi mayno, dalkana denbi ayeynu ka galaynaa, Carruurta yar-yar ee 16-jirka ah ee lagu dilayo Liibiya ee naftoodii huray iyo waxa halkan lagu hayaa isma laha, ummadda waa loo shaqeeyaa ama been looma sheego, waddo Qaran lagu dhiso ma hayno, dawladdu ma hayso, Siyaasiyiinta, Salaaddiinta iyo Shacabkuba ma hayaan, dantii la wada lahaa ee Qarankuna way luntay.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment