Fadhiga aan caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland shalay isugu yeesheen oo u muuqday mid jawaab u ah Baaq ka soo yeedhay Axsaabta Mucaaradka ah oo shaaca ka qaaday go’aanka ay qaadan doonaan haddii doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacdo, waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi wasiirro ah oo loo xil-saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo codbixiyeyaasha doorashooyinka.Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedda kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Xukuumaddu shalay ka yeeshay arrimaha doorashooyinka dalka oo axsaabta mucaaradka ahi kalsooni-darro ka muujiyeen inay wakhtigeeda ku qabsooma.
Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Shirka aan caadiga ahayn ee maanta (shalay) oo Salaasa ah laysugu yimi waxa uu ku saabsan yahay arrin muhiim ah oo dedejinteeda ama hore u qabashadeedu ay lagama maarmaan u noqonayso fududeynta hawlaha Qaranka, gaar ahaan dhinaca doorashooyinka.”
“Maanta waxa lagu ansixiyey xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Codbixiyeyaasha; waa xeer muhiim ah oo ay ku xidhan tahay doorashooyinka soo socdaa inay ku qabsoomaan. Dawladdu iyada oo ku dedaalaysa inay diyaariso saaxaddaas, ayaa shirkan aan caadiga ahayn loo qabtay. Waxa la dhegaystay guddi golaha wasiirrada ka tirsan oo xeerkan isku soo dubba-riday, wax-ka-beddel iyo kaabid ku soo sameeyey guddigaas iyo Garyaqaanka Guud ee dalka. Xeerkaasina sidaasuu kaga dhammaaday xukuumadda,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu.
Afhayeenku waxa uu sheegay inay xukuumadda Kulmiye diyaar u tahay isla markaana ay ku hawlan tahay inay doorashada lagu qabto muddada loo asteeyey. “Waa hawl doorashadu loogu diyaar-garoobayo, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, xeerkaasina sidaasuu ku ansaxay,” ayuu yidhi.
Mr Dhuxul oo daba-socda dhaliilo axsaabta mucaaradku u jeediyeen xukuumadda, waxa uu yidhi,
“Kulmiye waa Kulmiye, waaba Kulmiye oo wax qabtay, afartaa sannadood bulshada u soo bandhigay wax-qabad sida caadiga ah marka loo xisaabiyo qof kasta oo waxaas xisaabiyaa aanu qiyaasi karin waxa la qabtay. Wax-qabad sagaal iyo toban sanno oo xukuumaddan ka horreeyey ka badan ayay Afartani sannadood dhaliyeen.”
Si kasta ha ahaatee, fadhiga aan caadiga ahayn ee shalay golaha Xukuumaddu ka yeesheen arrimaha doorashooyinka dalka, ayaa u muuqday mid jawaab u ah isla markaana ka dhashay dhawaaqa ka soo yeedhay Axsaabta Mucaaradka iyo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo heshiis ku gaadhay in dalka laga hirgeliyo dawlad ku-meel-gaadh ah haddii xukuumaddu ku fashilanto inay dalka ka hirgeliso doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta, arrintaas oo dhalisay in hoggaanka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo wasiirro xukuumadda ka tirsaniba ay si adag uga jawaabaan go’aanka mucaaradka oo ay ku tilmaameen mid sharciyadda dalka baalmarsan.
No comments:
Post a Comment