“Waan ka xumahay, waxaan isleeyahay waxan Carruurnimaa u geynaysa, Inaabtigii oo Abtigii dhalay oo ka horreeyey-na wuu ku dhintay..” Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 06 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa caddeeyey in Wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Xuseen Faysal Cali uu ka mid noqday, isla markaana ku biiray Kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ee ISIS ama Daacish, ka dib markii uu baxsaday horraantii sannadkan.

Xuseen Faysal Cali (Abuu-Shucayb Al-Somali) waxaa uu Muquulkiisa ku sheegay inuu ka yimi dalka Finland si uu ugu biiro Kooxda Daacish ee ISIS ee dagaallada ka wadda dalalka Ciraaq iyo Suuriya. “Waxaan halkan (Ciraaq) u imid inaan ku biirro Kooxda Daacish, waxaanan kazoo hij-rooday dalka Finland.” Sidaa ayuu ku yidhi Xuseen Faysal Cali hadal kooban oo ku dhex-jira Muuqaalka laga duubay isaga oo saaran Faras sida Muuqaalkaas laga dheehday.
“Horto, Wiilku waa Wiilkaygii Allaah mahaddii, wuxu ku dhashay dalka Finland 1992-kii, markaa saddexdii sano ee u dambaysay ayuun buu inankaasi Salaadda iyo Diinta bilaabay, mar qudhuunasuun baan arkay kiiyoo aad ugu xidhan Masaajidka. Markaa, anigu waaban ku faraxsanaa ilmo yar oo Yurub jooga oo Diinta bartay wuu fiicnaa. Ka bacdi bishii January 2013-kii ayuun baa inankan la waayey intuu guursaday uu Gabadhiisa kaxaystay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ugu da’da wayn Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland ka jira Eng. Faysal Cali Waraabe oo laba jeer u tartamay jagada Madaxweynennimada Somaliland, balse aan ku guulaysan.

“Habeenkii dambe afartii subaxnimo ayuu ka baxsaday Gaadhkii oo hurda, GBS baannu ku doon-doonnay, ka dibna waxaannu ogaannay inuu Taleefanka ku demiyey meesha Burco la yidhaahdo. Markaa wuxu jeeday Garoowe oo uu doonayey inuu Baasaabboor Soomaali ah ka soo qaato, ka dibna uu Safaaradda Itoobiya ee Finland tego oo uu yidhaahdo Baasaabboorradii baa naga lumay oo uu sidaa Baasaabboorrada ku helaan, ka dibna uu meeshu doono tago.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID oo la weydiiyey inuu markaa wax dareen shaki ah ka qaatay inuu u socdo dhinaca Ururrada Xag-jirka ah, waxa uu ku jawaabay; “Maya, ee markuu dadka ku yidhi; ‘Waxaan ku socdaa Mandheera Kenya oo Inanta uu qabo Reerkoodu deggan yahay ee Kenya, ayaan ka shikinay, waxaan nidhi; ‘Tigidhka aan u dirno oo Inanta reerkoodu ha u yimaaddaan oo ha arkaan ee uu na diiday, ayaannu fahannay. Markaa, Laanta Socdaalka Somaliland ayaan la soo hadlay, waxaan ku idhi; ‘Inankaasi Laascaanood buu ku socdaaye halla qabto oo halla xidho, Booliska Laascaanood baa qabtay, waa la soo celiyey labadoodaba Hargeysa ayaa lagu xidhay; ‘Waxaan ku idhi Baadha, Taleefankiisa baadha yuu la xidhiidhayey’ Bil buu ku xidhnaa Hargeysa, bil ka dib baa la soo daayey, markiiba waxaan u jaray Tigidh Finland baa la keenay. Finland, Booliska ayaannu u tagnay oo Hooyadii u tegtay, illaa intaa uu maqnaaba Booliska Finland waannu wada shaqaynaynay.”
“Waxaannu ku nidhi; ‘Baasaabboorka ayaa ka dhacayey wuxu doonayey inuu magaalada Sanca ee Yemen, hase-ahaatee Baasaaboorkaa Fiise loo siin waayay, markaa waxaannu ku nidhi; ‘Baasaabboorka ha u cusboonaysiinnina’ waxay nagu yidhaahdeen dembi nagamuu gelin, xaq baanu u leeyahay in Baasaaboorka loo cusboonaysiiyo, way u cusboonaysiiyeen, bil ka dib ayay Turkiga u baxeen isaga iyo Xaaskiisu-ba.” sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo jawaabta su’aasha kor lagu weydiiyey sii watay.
Waxa sidoo kale Faysal la weydiiyey markii ugu dambaysay ee ay Warkiisa helaan intii aanay Cajaladdan Muuqaalka ahi soo bixin, waxa uu yidhi; “Anigu lama xidhiidhin Inanka Suuriya tegay, laakiin Faamliga Walaalladii iyo Xaaskuba way la xidhiidhi jireen, Facebook-ga ayay kala xidhiidhi jireen maalin kasta markasta oo uu Adeegga Internet-ku u shaqaynayo meesha uu joogo. Markaa, dorraato (Axaddii toddobaadkan) oo la arkay, laakiin waxay leeyihiin waan la xidhiidhi jirnay maalin kasta Hooyo waad iska garanaysaa maalin kasta way hubin jirtay, illaa Turkiga ayay tegtay oo ay ku soo soontay si ay u soo maslaxdo oo ay keento.”
Mar Faysal Cali Waraabe la weydiiyey su’aal ahayd Wiilkiisii oo uu arkayo oo uu ku soo tabcay korriin ahaan iyo aqoon ahaan-ba, immikana uu arkayo isagoo leh dawlad Islaami ah ayaan u dagaallamayaa dareen ahaan sida uu u arko ka waalid ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Horta, runtii waxaan anigu shaqsi ahaan ka ahay carruurtayda dembiile, waayo? Carruurtayda illaa 1992-kii Hooyadood baa la daalaa-dhacaysay, anigu waxaan ku jiray Siyaasadda Somaliland, meeshana waxa ka maqani waa Waalidka, haddaanu Waalidku Carruurtooda ilaalin oo meeshay ku maqan yihiin ogaannin dhibaatadaas baa dhacaysa. Markaa, Hooyadood bay ku soo muruxsadeen Carruurtu, aniguna Shaqsi ahaan inaan dembiile ka ahay xaggooda (Carruurta) ayaan dareemayaa.”
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal oo jawaabta su’aashaas uu ka bixiyey sii wataa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Waxaan isleeyahay haddaad la joogi lahayd waxaasi may dheceen, yacnihii intaan islahaa Carruurtiinna ujeeddo u sameeya ayay Carruurtaydu baylahday, waanan ka xumahay, waxaanan u arkaa inay waxan Carruurnimo u geynayso oo 1992 ayuu dhashay, Diinta aad uma yaqaanno, Internet-ka ayuun buu waxan ka ar-arkay, Inaabtigii oo Abtigii dhalay oo ka horreeyey wuu ku dhintay. Laakiin, gacantaannu ku haynay oo waannu soo maslaxaynay oo wuu noo soo dhawaa intii hore.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment