“Waxay ila tahay Su’aal qudha aynu is-weydiinno oo Xukuumaddii maxaa ka qaylisiiyey aynu nidhaahdo? Waa la tartamayaaye, tartanka dhinaca uu u jeedo mooyaane dhinaca kale inay u jeediso looma baahna..”
“Mar walba Cilaaqaadku inuu xumaado, inuu wanaagsanaado iyo in Xuduudka la xidho Xukuumadda markaa talada haysa ayay ku xidhan tahay. Laakiin, annagoon shuruud ku xidhin waxaannu…” Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro
Hargeysa, 02 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dawladaha caalamka iyo Shacabka Somaliland-ba ay Xukuumadda ka sugayaan qabashada doorashooyinka sannadka soo socda la filayo, isla markaana waxa uu xusay in Xukuumadda looga baahan yahay inay si dhaqso ah Baarlamaanka ugu soo gudbiso wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Waxaanu sidoo kale ku baaqay in talo Qaran laga yeesho Guddiga doorashooyinka Qaranka in la beddelo iyo in muddada loo kordhiyo.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ku dooday in Masuuliyadda qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalku ay saaran yihiin Xukuumadda talada haysa, isla markaana maalinta doorasho lagu soo dooranayo Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee iyaga beddelaya ay isaga iyo Xildhibaannada Wakiillada ee hadda joogaaba diyaar u yihiin inay ammaanada ku soo celiyaan shacabka Somaliland ee hor u doortay. Waxa uu Md. Cirro sheegay inay Xukuumadda kala shaqaynayaan wanaajinta xidhiidhka dalalka Deriska la ah Somaliland, hase-yeeshee, wanaajinta ama xumaynta xidhiidhka waddamada Jaarka iyo furista ama xidhnaanshaha Xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti ay Somaliland la wadaagaan ay u taalla Xukuumadda Somaliland ee talada haysa.
“Waxaan Safar hawleed oo kooban ku tegay dalka Jabuuti ee aynu jaarka nahay, sidaad ka war-qabtaan-ba Jabuuti waxa innaga dhexeeya Cilaaqaad wanaagsan oo dhinacyo badan leh hadduu yahay dhaqan, hadduu yahay ganacsi iyo hadduu yahay iskaashiba. Muddadii koobnayd ee aannu joognay halkaas waxaannu Marti u ahayn dawladda Jabuuti, waxaanu Safarkayaga koobani daarranaa uun sii xoojinta Cilaaqaadkaa dhinacyada badan ee innaga dhexeeya dalka aynu walaalaha nahay ee jaarka ah ee Jabuuti.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo ugu horreyn Sharrax ka bixinayey socdaalkiisa Jabuuti.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo si kooban uga hadlay waxyaabaha ay ka wadahadleen Masuuliyiinta ay iska arkeen dawladda Jabuuti, waxa uu yidhi; “Waxaannu iska aragnay Masuuliyiin dalkaas hadday yihiin Baarlamaan iyo hadday yihiin Xukuumad-ba, waxaannu isla soo qaadnay ee aannu ka wadahadalnay waxay ahaayeen sii xoojinta Cilaaqaadkaa wanaagsan ee ka dhexeeya labada waddan (Somaliland iyo Jabuuti).”
“Guud ahaan dareenka dunida iyo sidaan qabo ka Shacabiga reer Somaliland-ba maanta wax qudhaa la sugayaa, waxaana Xukuumaddaa laga sugayaa, waxa weeye ee la is-weydiinayaa Xukuumaddu goormay qabanaysaa doorashadii? Waxaynu ka war-qabnaa sida Xeerku tilmaamayo, doorashada waxa ka horraynaysa diiwaan-gelin. Diiwaangelintu waxa weeye, waxa la diiwaangelinayaa dadka codaynaya ee qaan-gaadhka ah ee reer Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu intaas ku sii ladhay oo yidhi; “Arrintaasi meel fiican bay soo gaadhay, waa laga wada shaqeeyey. Laakiin, laba arrimood baa weli ka qabyo ah, labadaa arrimood waxa weeye ansixinta wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka diiwaangelinta, oo berigii hore diiwaangelintaynu samaynay waxa lagu saleeyey Faraha, laakiin maanta waxa lagu daray Indhaha, kolkaa Xeerkaasi Xukuumadduu la yaallaa, waxaana laga sugayaa Xukuumadda Xeerkaasi si ay u bilaabanto diiwaangelintu wakhigii loogu talo-galay oo ahayd bisha Saagaalaad 2014-ka, in Xeerkaa ay Golaha u soo gudbiso si dhaqso ah haddii Illaahay ka dhigo, Goluhuna uu waajibkiisa ka guto.”
“Arrinta kale waxa weeye ee qabyada ah ee Mushtamaca dawliguna innaga sugayo arrinta Guddiga doorashooyinka Qaranka haddii Komishankan jooga loo kordhinayo muddadiisa iyo haddii talo kale oo lagu midaysan yahay la qaadanaya-ba taana waxa laga rabaa inay Xukuumaddu soo bandhigto haddii Illaahay ka dhigo. Waxa adduunku rejaynayaa, Shacabkuna rejaynayaa in diiwaangelintu ay wakhtigeedii ku bilaabanto oo aanu wax dib u dhac ahi ku iman.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.
Guddoomiye Cirro oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo uu ku sheegay inuu muddo-kordhin ku fadhiyo wakhti u dhigma wakhtigii la doortay Golaha Wakiilladu, isla markaana ay Xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto Cirro ahaan hadduu uu kicinta joojin waayo, sidaa daraaddeed heerka baqdinta uu Guddoomiye Cirro ahaan ka qabo tallaabo ay Xukuumaddu ka qaaddo, waxa uu sheegay inaanay jirin wax baqdin ah oo uu taas ka qabaa.
Waxaanu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabaya su’aashaas kor lagu weydiiyey waxa uu yidhi; “Horane ugama baqan haddana ka baqan maayo, laakiin wada-shaqayn baa naga dhaxaysa Xukuumadda, Wasiirkana maan dhegaysan, waxba ka sheegi maayo Wasiir Cukuse Shaqsiyaddiisa. Laakiin, muddo-kordhinta Shacbiguna ma oggola, caalamkuna ma oggola, waxa la doonayaa doorashado inay wakhtigeedii ku dhacdo. Muddo-kordhin baa la sheegayay laga hadlay Baarlamaanka, Xilka qabashada doorashada ama Golaha Wakiillada ha noqoto ama Gole kale ha noqotee Xukuumadduu saaran yahay, Aniga iyo Golaha Wakiilladu waxaannu diyaar u nahay markay Xukuumaddu qabato doorasho Golaha Wakiillada ah inaannu Ammaanadii Shacabka u soo celinno.”
Mar Guddoomiyo Cirro wax laga weydiiyey nuxurka waxa ay kaga wadahadleen kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro ku jawaabay; “Waxaan Madaxweynaha ugu tegay Booqasho-Sharafeed, Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kaleba (ee Jabuuti), waxuun baannu ka wadahadalnay wanaajinta Cilaaqaadka Somaliland.”
“Dublamaasiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Jabuuti waannu la kulannay qaar ka mid ah, waxaannu uga xog-warrannay uun Xaaladda guud ee waddanku marayo hadday tahay amni, hadday tahay horumar, hadday tahay doorashooyinka, waxaana nagu waajib ah markasta oo aannu waddan tagno inaannu Somaliland lafteeda iibinno aannu ka warranno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Jabuuti Diblamaasiyiinta caalamka ee ku sugan la kulmeen iyo hadday la kulmeen waxa ay ka wadahadleen.
Guddooiye Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay Xisbi ahaan u arkaan Xuduudaha ay Somaliland la wadaato dalka Jabuuti oo inta dhawaan la furay haddana dib loo xidhay iyo xadka Itoobiya aynu la wadaagno oo isaguna weli xidhan, waxa uu yidhi; “Waxay ila tahay arrinta ku saabsan Jabuuti ama waddamada Jaarka ahba, annaga oo aan wax shuruud ah ku xidhin waxaannu diyaar u nahay inaannu kala shaqayno sida loo wanaajinayo Cilaaqaadkaas Xukuumadda. Laakiin, mar walba Cilaaqaadku inuu xumaado, inuu wanaagsanaado iyo in Xuduudka la xidho Xukuumadda markaa talada haysa ayay ku xidhan tahay.”
Sidoo kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyey sida uu u arko inay Xukuumaddu ay Cadaadis badan saartay, isla markaana laga hor-taagan yahay inay taageerayaal ku biiraan WADDANI ama ay Madaarka ku soo dhaweeyaan iyo inay Xukuumaddu ka qaylisay wax ay ugu yeedhay Habar-magaado inuu wado WADDANI, sida uu qodobbadaas u arko iyo waxa uu kaga jawaabayo.
Waxaanu Guddoomiyaha oo Su’aalahaas ka jawaabayaa yidhi; “Aniga waxay ila tahay wax lagu qoslo ninka Muwaaddinka ah ee markuu KULMIYE joogay aan Reerka ahayn, markuu WADDANI yahayna Reerka noqda ama Habarta noqda wax lagu qoslaabay ila tahay. Markaa, waxay ila tahay Muwaaddiniintu xaq bay u leeyihiin hadday WADDANI ka baxayaan iyo hadday KULMIYE ka baxayaan-ba. Laakiin, annagu Muwaaddinka ka baxa WADDANI ee KULMIYE taga Reer ku sheegi mayno, taasi Xukuumadday u taallaa.”
“Waxay ila tahay Su’aal qudha ayaynu is-weydiinaynaa, Saxaafaddu dadkuun bay wax weydiisaaye, oo horta Xukuumaddii maxaa ka qaylisiiyey aynu nidhaahdo? Horta, tartan baa lagu jiraayoo waxa weyee, waxyaabaha aasaasiga ah ee uu xaqa u leeyahay Xisbigu ama aniga oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ah hadday ku gefto Xukuumaddu dee gef bay noqonaysaa, wixii Baratakool ah ee aan leeyahay Guddoomiye ahaan ama Guddoomiye Xisbi ahaan ama Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah-ba, KULMIYE aad buu u qaylin jiray beriguu Mucaaridka ahaa, Madaarkaa nalaga xidhay maalin walba way qaylin jireen, tolow maanta maxaa ka qaldan iyaga markaas bal is-weydiiya oo? Ma Mucaarad-baa?”
“Annagu waxaannu u soo jeedinaynaa uun wixii xaq loogu leeyahay ama Madaar ha noqoto ama Baratakool ha noqoto. Laakiin, wixii kale ee ay ka qaylinayso ama Madaxda Xisbiga taa waxba kama qabno, annagu waxaannu jecelnahay inaannaan cidna ku gefin, inaannaan cidna caayin, inaannaan cidna aflagaadaynin. Laakiin, dee waa la tartamayaaye, tartanka dhinaca uu u jeedo mooyaane dhinaca kale inay u jeediso looma baahna sidaan qabo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sii watay jawaabta uu su’aalahaas kor lagu weydiiyey ka bixiyey.
Guddoomiye Cirro oo gebo-gabadii la weydiiyey halka uu ka sheegay inay Xidhista iyo Furista Xuduudaha dalalka Jaarka ah ay Somaliland la wadaagtaa inay Xukuumadda u taallo, maaddaama oo uu yahay Guddoomiyaha Xisbi Mucaarid ah, dalkana Madaxnimo ka raba, siyaasad ahaanna ay saamayn ku leeyihiin xuduudaha xidhani Somaliland, sababta uu uga faa’iidaysan waayey inuu arrimahaas ka qanciyo Madaxda Jabuuti ee ay kulmeen, waxa uu ku jawaabay; “Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Baarlamaan ahaanba waxaannu diyaar u nahay annagoon wax shuruud ah ku xidhin inaannu Xukuumadda kala shaqayno arrimahaas furista Xuduudaha iyo wanaajinta xidhiidhka dalalka aynu jaarka nahay. Laakiin, mar walba xidhiidhka iyo xidhista ama furista labada dawladood bay ka dhaxaysaa, laakiin annagu diyaar baannu u nahay inaannu Xukuumadda kala shaqayno arrinkaas.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment