
Taliye Mohammed Hassan Ismail Farah ayaa Soomaaliya ka soo tagay sanadkii 1991 markii ay burburtay dowladii Soomaaliya,isagoo u soo baxay dhanka Mareykanka kuna sugnaa muddo 7-bilood ah ka hor inta aanu dalka Canada gudaha u galin si qaxootii ahaan ah. Waxana si isdaba joog ah uu iskugu dayey inuu ka galgasho tacaddiyo uu galay xilliyadii uu ka tirsanaa taliska awoodda badnaa ee Siyaad barre.
Sida laga soo xiganayo cadaymo rasmi ah oo ay soo saartay maxkamada Federaaliga ah ee Toronto ayaa lagu sheegay in taliyuhu uu xadgudubyo sameeyay intii uu ka tirsanaa dowlada Soomaaliya.
Yussuf Mohamed Issa oo ka tirsan dad markhaati ahaan loo soo xiganayo ayaa tilmaamay in taaliyaha uu la kulmay 3-bilood oo uu xabsi ku jiray ka hor inta aanu ka qeyb qaadan dibad bax arday ay soo qaban qaabiyeen oo ka dhacay Hargeisa sanadkii 1984 , Issa ayaa sheegay in taliyuhu uu qeyb ka ahaa waaxda dambi baaadhista ee CID, balse Mr Farah ayaa sheegay inuu ka tirsanaa waaxda la dagaalanka Maandooriyaha.
Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa beeniyay eedeymaha ah inuu dambiyo geystay islamarkaana sanadkii 1984 inuu ku sugnaa Hargeisa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment